Warar

Labada Siyaasi ee Maxamuud Xaashi iyo Xirsi Xaaji Xasan, ayaa maanta kulan uga bilaamay Hargeysa.

Labada siyaasi ayaan Warbaahinta u faahfaahin waxyaabaha ay ka wadahadleen marka laga reebo in ay ogolaadeen in Sawiro laga qaado.

Kulanka waxa kale oo goob joog ka ahaa siyaasi Cali Siciid Raygal, oo ka wasiir ka soo noqday xukuumaddii Siilaanyo.

Warar hoose ayaa sheegaya in labada siyaasi ka wadahadleen mustaqbalkooda siyaasadeed iyo in ay isku aragti noqdaan.

Xirsi iyo Xaashi, ayaa isku deegaan ka soo jeeda.

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button