Warar
Trending

Wasiirka H. Maaliyadda JSL Oo Tababar Mihiim Ah U Furay 80 Qasneji Oo Ka Tirsan Waaxda Cashuuraha Berriga

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr Sacad Cali Shire ayaa maanta Tababar Mihiim Ah U Furay 80 Qasneji Oo Ka Tirsan Waaxda Cashuuraha Berriga, Kuwaas oo 60 ka mid ahi Dumar yihiin, isla markaana ka kala yimid Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland.
Tababarkan oo ah kii u horeeyey ee noociisa ah ee loo qabto Qasnajiyadda Cashuuraha Berriga ayaa loo sameeyey Nidaam habraac shaqo oo cad oo ay raacaan, iyadoo halkaasi lagu gudoonsiiyey dhamaantood buuga Hagaha Qasnejiyadda.
Sidoo kale waxa madashaasi lagu soo bandhigay System casri ah oo iswada (automated App) oo isku xidhaya dhamaan cashuuraha gaadiidka sida wado-maris, kala-wareejinta iyo bileydhka cusub, kaas oo qalab casri ah lagu isticmaalayo, kuna xidhan xogta gaadiidka dalka oo dhan, isla markaana mustaqbalka fariimo gaar ah oo cashuuraha ah loogu diri doono, lagulana xidhiidhi doono dhamaan gaadiidleyda dalka oo dhan.

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button