Warar

Xukuumadda Oo Ku Keliyeysatay Dhiiri gelinta Ciyaartoyda dalka Iyo Doorkii Shirkaddaha Waaweyn Oo Maqan

Kala Iibsiga iyo kala jiidashada Ciyaartoyda Oo meel Xasaasi ah Maraysa, Xilli la isu diyaarinayo Tartanka Horyaalka Somaliland

Somaliland, ayaa isu diyaarinaysa in ay markii u horreysay muddo dheer ka dib in ay qabato tartannada Horyaallada Kooxaha Heerka Koowaad iyo Heerka Labaad.

Waxa socda qaban qaabo xooggan oo loogu jiro qabashada tartannada, iyada oo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi-na Miisaaniyadda sannadkan 2021-ka ku dartay dhaqaalaha tartankan lagu hir gelinayo.

Kooxaha tartanka isu diyaaranaya, ayaa toddobaadyadii u dambeeyey suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda ee Magaalada Hargeysa, aad uga dukaamaysanayey, madaama oo tartankan la filayo inuu qabsoomo bisha soo socota.

Kooxahan, ayaa diyaargarow adag ku jiray, iyaga oo meelaha ay ka liitaan iska xoojinayey, isla markaana la soo wareegayey Xidigaha ay u arkaan in ay kooxdooda guullo ku hoggaamin karaan, halka kooxaha qaar ay heshiisyo cusub ka saxeexeen Ciyaaryahannada muhiim u ah Kooxdooda.

Tan iyo intii la shaaciyey in la qabanayo tartanka Horyaalka Kooxaha, ayaa waxa bannaanka u soo baxay in Kooxaha Caasimadda ka dhisan iyo gobollada dalka badankoodu yihiin Kooxo u ciyaara Wasaaraddaha Dawladda, Dawladdaha Hoose, Ciidammada kala duwan, kuwaas oo u ciyaarista Meelaha Ciyaartoydu ka hesha mushaharaad iyo gunnooyin kale, taas oo muujinaysa in ay Xukuumaddu door muhiim ah siisay Dhalinyarada Ciyaartoyda ah.

Arrintani, waxa kale oo ay bannaanka u soo saartay, in Shirkaddaha waaweyn iyo kuwa dhexe-ba aanay lahayn Kooxo ka tirsan Kooxaha Heerka koowaad iyo Labaad ee Kubadda Cagta, isla markaana aanay jirin hal koox ah oo ay maal geliyaan, si ay qayb uga noqdaan dhiiri gelinta dhalinyarada iyo Ciyaarahaba.

Waxa ka jiray Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee dalka 15 sanno ka hor Kooxo magac leh oo ku ciyaari jiray Shirkaddaha dalka qaarkood, kuwaas oo qayb weyna ka qaadan jiray mahac iyo sumcadda Shirkaddaha dalka qaarkood, iyada oo dhalinyarada u ciyaarana dhiiri gelin ka heli jiray, taas oo ay ugu mudnayd in ay u iibiyaan Dharka ay ku ciyaarayaan, kabaha iyo kubaddahaba.

Wakhtigan ay maqan yihiin doorkii Shirkadduhu, ayaa loo baahan in ay qaybtooda ka qaataan sidii ay u samaysan lahaayeen kooxo kubadda cagta ah oo ku ciyaara magacooda, taas oo qayb weyn ka noqon doona sumcadda iyo magaca Shirkaddahooda iyo weliba xayeysiinta addeegyada ay bixiyaan.

Kooxahan Hoos ku qoran, waxay isugu jiraan kuwa Heerka koowaas iyo labaad ee Hargeysa ka dhisan, waxa dhici kara in aan qaar ka tegay

Kooxda Gaashaan
Kooxda Goodir
Kooxda Duulista
Kooxda Wasaaradda Maaliyadda
Kooxda Wasaaradda Caafimaadka
Kooxda Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
Kooxda Dawladda Hoose ee Hargeysa

Kooxda Ciidanka Ilaalada Xeebaha
Kooxda wasaarada Waxbarashada
Kooxda Wasaarada warfaafinta
Kooxda Wasaarada Cadaalada
Kooxda Wasaarada Macdanta &Tamarta
Kooxda Wasaarada Hawlaha Guud
Kooxda Wasaarada Beeraha
Kooxda Wasaarada Gaadiidka
Kooxda Wasaarada Boosaha & Isgaadhsiinta
Kooxda Fc Sheekh Madar

Waxa qoray Saleban Saxansaxo

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button