Warar

Hanti dhawrka Qaranka Oo Baadhis Ka Sameeyey Wasaaraddo

Goobaha La Baadhay, Waxa Ka Mid Ah Wasaaradda Macdanta Iyo Komishanka Xuquuqul Insaanka

Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka JSL ayaa maanta Baadhiso ka Bilaabay qaar kamid ah Laamaha Dawladda gaar ahaan Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta iyo Komishanka Xuquuqul Iinsaanka Qaranka.

Baadhisahan oo iskugu jira Baadhis Maaliyadeed, Mid wax-qabad iyo Baadhista Waafaqsanaanta Shuruucda ayaa muddada ay socoto waxa fulinaya Hawlwadeenno khibrad u leh Nidaamka Baadhisaha Caalamiga ah, Iyada oo isbaddallo horumarineed lagu sameeyay muddooyinkii u danbeeyay Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo la jaan-qaadaya Nidaamyada Caalamiga ah waxa ay suurtogalinaysaa horumarkaasi in baadhisuhu ka dhakhsa bataan kana tayo fiicnaadaan sidii hore iyada oo wakhtiga lagu xisaabtamayo.

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button