
Raysal wasaaraha Soomaaliya Mr Rooble ayaa maanta ku dhawaaqay in doorashaddii la gelayo iyadoo aan cid dambe la sugaynin , kulankaas uu ka hadlayna waxaa joogey 3 maamul goboleed ee Jowhar , Dhuusamareeb iyo Baydhaba , waxaana qorshahaa ka maqan labada maamul goboleed ee Kismaayo iyo Garoowe .
Qorshaha Farmaajo .
Farmaajo ugu dambayn wuxuu ka heley taageero wadanka Turkigga oo aan horre go’aan u gaadhin , qorshihiisuna waa in uu doorashadan gar iyo gardaraba ku helaa waliba gorgortan la’aan .
Ajandaha Farmaajo .
Mr Farmaajo 3 qodob ayaa u diyaarsan in uu ku meel mariyo ajandihiisa doorasho oo kala ah ;-
1- Magac Habar gidir oo ay horseed ka yihiin Raysal wasaare Rooble iyo Madaxwayne Qoor-qoor .
2- Maaliyad dhaqaale ka imanaysa cashuuro cusub , Shirkaddo Patrol iyo deeqo shisheeye .
3- Cudud Milateri oo laggu jujuubo doorashadda laguna meel mariyo .
Dhaawaca ka dhasha doorashadaas na Mr Farmaajo waxaa uga meel yaala in uu ku xaliyo laba qodob oo kala ah .
1- In marka doorashaddu dhacdo uu ka guuro Habar gidir isla markaana magacaabo Abgaal , ka dib marka ay kala dhintaan Habar gidir iyo Abgaal .
2- Ergo Daarood , oo ay hormood u yihiin masuuliyiintii Ururkii Sahal oo isu soo ladqabeeya Jubaland iyo Puntland taasoo la dhaho Tol waa tolane .
Musharixiinta mucaaridka .
Musharixiinta ilaa imika taagan waxaa ugu saamayn badan 2 musharax oo kala ah .
1- Xasan Cali khayre oo taageero ka haysta Kambaniyo patrolka ah oo taxan Norway ilaa Ruushka , sidoo kale wuxuu taageero ka haystaa Madaxwaynaha Jabuuti .
2- Ganacsade magaciisa la yidhaahdo Bashiir oo dhawaan ku dhawaaqi doona musharaxnimadiisa kaasoo ah hantiile haysta lacag badan .
Musharixiinta kale ee cadcad ee kala ah , Sheekh shariif , C/raxmaan C/shakuur iyo Sheekh shariif ayaa u muuqda kuwo aan midaysnayn qorshe isu tanaasula aan ilaa hadeer muujinin iyadoo is barbar orodkeeduna yahay guul-darro ay ku hor ciyaarayaan .
Si kastaba ha ahaatee , anigoo is dhaw ula socda siyaasadda gobolka geeska Afrika guud ahaan , ayaa saaxiibaday badhkoodna doonayaan in iiga sheekeeyaan siyaasadda Somaliland ee aan jilayaasheedaba wada garanayo .