Warar

Waa Maxay Sababta Xukuumaddu Shirkaddaha Isgaadhsiinta Uga Dalbatay In Ay Ruqsadahooda Cusboonaysiiyaan

Wasiirka Isgaadhsiinta Oo Ka Hadlay Arrintan

 

Xukuumadda Somaliland, ayaa faah-faahin ka bixisay ujeeddada ay ka lahayd wareegto ka soo baxday Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tignoolajiyadda oo la xidhiidhay in ay laashay ruqsadihii ay hore u haysteen, isla markaana looga baahan yahay in ay cusboonaysiin dib u soo dalbadaan.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland Cabdiweli Sheekh Suufi, ayaa sheegay in aanay jirin ujeeddo kale oo laga leeyahay wareegtada uu soo saaray, aan ka ahayn in ruqsadaha Shirkaddaha oo 20 sanno ka hor la qaatay in ay dib u cusboonaysiiyaan, madaama oo muddo dheer ka soo wareegtay wakhtigaasi.

“Ujeeddadu may ahayn in ay dhammaantood bilaa ruqsad yihiin Shirkaddaha isgaadhsiintu, laakiin maadama oo wakhtiga ay Liisamada qaateen ay ka soo wareegtay 20 sanno in ay isbeddeleen adeegyadii ay bixin jireen iyo aniga oo ka duulayna ITU hal-beega ay u samaysay liisan Bixinta Shirkaddaha ayaanu is nidhi ha la idin horumariyo, markaa waa horumarin uun weeye ee maaha macnaheedu Shirkadduhu waa bilaa Liisamo.” Ayuu yidhi Wasiirka Isgaadhsiinta Iyo Tignoolajiyadda Somaliland, oo Warbixin siinayey Guddi hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button