Warar

“Maareeyaha Madbacadda Qaranku, Waa Madaale Hormuud u ah Horumarka Madbacadda” Wasiir Sacad Cali Shire

Wasiirka Maaliyadda Oo Ka Hadlay horumarka Madbacadda Qaranka

“Maareeyaha Madbacadda Qaranku, Waa Madaale Hormuud u ah Horumarka Madbacadda” Wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shire

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa ku ammaanay Maareeyaha Madbacadda Qaranka Maxamuud Raage kaalinta uu ka qaatay casriyeynta iyo taabo galinta Madbacadda Qaranka Somaliland.

Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlayey Munaasibadda Xadhigga lagaga jarayey Dhisme iyo Qalab loo keenay Madbacadda Qaranka, ayaa waxa uu xusay in isbeddelka lagu sameeyey Madbacadda Qaranka uu hormuud u yahay Maareeye Raage, waxaanu yidhi “Marka Waddan horumarkiisa la qiimaynayo, meelaha laga eego waxa ka mid ah Madbacaddihiisa, inta buug ee qaran soo saaro waxa ay tusaale u tahay horumarka qaran gaadhay, Madbacadani waxay maanta tusaale u tahay horumarka Somaliland gaadhay, laakiin horumarku iskama iman ee waxa aanu xusaynaa oo horseed u ah shaqaalaha iyo Maareeyaha Madbacadda qaranka Maxamuud Raage oo runtii ah nin madaale ah, Maxamuud Maya ma yaqaano, waxani suurto gal maaha ma yaqaano, waa nin shaqadiisa ka adag runtii.”

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button