Warar

Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland md Saleebaan Maxamuud Aadan Oo Guddi 31 Xubnood ka kooban oo Mudanayaasha golahaasi u magacaabay 2ba go’aan inay Iswaafajiyaan

Guddoomiyaha Golaha Guurtidda ee Somaliland md Saleebaan Maxamuud Aadan’ ayaa Guddi 31 Xubnood ka kooban oo Mudanayaasha golahaasi maanta u magacaabay 2ba go’aan inay Iswaafajiyaan
Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan’ ayaa Guddidan 31 Xubnooda ee uu Maanta magacaabay ay shaqadoodu noqon doonta inay ka soo talo bixiyaan Iswaafajinta Go’aankii 3da Xisbi Qaran ‘ Guddida Doorashooyinka iyo Xukuumadda Somaliland ku heshiiyeen inay Doorashooyinku ku qabsoomaan Bisha inagu soo fool leh ee 31 May 2021ka iyo mudo kor dhintii hore guurtidu qabsoomida doorashooyinka Wakiiladda ugu mudaysay 2022 horaantiisa inay qabsoonto.
Guddidan 31 Xubnood ka kooban ‘ ayuu guddoomiye Saleebaan ku amray inay mudo 24 saacadooda ku soo dhamaystiraan talo bixintooda isla markaana Aroorta ay go’aanka talo bixinta Shirguddoonka golaha guurtidda ku soo celiyaan si isla aroorta go’aan gacan taag ah Mudanayaashu ugu qaadaan iswaafajinta labada go’aan ee go’aanka kama dambaysta ah u noqon doona wakhtiga rasmiga eedoorashooyinka Wakiiladsa iyo golayaasha deegaanku dalka ka qabsoomayaan.

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button