Maanso Qiimo Badan Oo Wadciga Jira Dayarta Uga Digaysa

Maanso Qiimo Badan Oo Wadciga Jira Dayarta Uga Digaysa
“Caqligaagan taamka ah
Yuu caaqil maamulin
Cilmibaabad baratee
Yuu caammo kaa dhigin…”
MAANSADA WAXAA LA YIDHAA ( CAQLI ) WAXAY LA HADLAYSAA DHALINYARADA INNAMO, HABLO IYO DUMARKA OO XAQII AY U LAHAAYEEN KA QAYB GALKA TALADA DALKA LAGA DUUDSIYAY IYADOO KU BARAARUJINAYSA WAAYAHA MAANTA IYO WAQTIGA DOORASHADA . WAXAANA TIRIYAY ABWAAN SACAD X MAXAMUUD GADHLE WAXAY SOO BAXADAY MAALIN JIMCE AH OO TAARIIKHDA KU BEEGGAN 29 .1. 2021…
Caqligaagan taamka ah
Yuu caaqil maamulin
Cilmibaabad baratee
Yuu caammo kaa dhigin
Ciddan aad wadaagtaan
Yuu kugu cabiidsannin
Cawajbuu u taliyee
Yuu caagle kaa dhigan
Sidii cawsha kuu didin
Cidlo yaanu kula tagin
Casharrada qabiilkiyo
Cuqddad yaanu kuu dhigin
Colaad yaanu kuu galin
Nin aad ceesh wadaagteen
Cabirkiisa qaladka ah
Yuu calanka kuu lulin
Yuu calaacal kuu wadin
Caloolyoyga kugu dagin
Carrabkiisa dalabta leh
Yuu cadaadi kugu odhan
Curaddada tartamayee
Fikirkooda cosobka ah
Ku kasbaday codkaygee
Colka maanta ugu mudan
Cadliguu ka madhanyee
Carbis yaanu kuu furin
Yuu ciidan kuu qoran
Yuu caagle kaa dhigan
Xadhig iyo ciqaabiyo
Calafkaaga kuu qoran
Cabsi yaanu kugu galin
LA SOCO MAANSADA OO DHAMMAYSTIRAN IYO WACYI GALINTA ABWAANKA
JIILKA CUSUB HA GUULAYSTO ALLE IDANKII
Xigasho: Sacad X. Gadhle