Warar

Musharaxiinta Golaha Deegaanka iyo Wakiilada ee Gobolka Maroodijeex iyo degmada Sallaxley ee (Ardaayada Abokor Muuse) oo si rasmi ah loo shaaciyay

Musharaxiinta Golaha Deegaanka iyo Wakiilada ee Gobolka Maroodijeex iyo degmada Sallaxley ee (Ardaayada Abokor Muuse) oo si rasmi ah loo shaaciyay
Xisbul Xaakimka Taladda Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa Xaflad Shaacina Caasimadda Hargeysa ugu qabtay 6 Murashax oo 4 Degmadda Sallaxley ka sharaxan yihiin halka 2da kalena ay Caasimadda Hargeysa golaha wakiiladda iyo deegaanka uga sharaxan yihiin doorashadda soo socota.
Shaacinta musharaxiinta waxaa ka soo qayb galay Wasiir waxbarashada iyo Sayniska, Wasiirka horumarinta Biyaha, Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, Af-hayeenka Xisbiga Kulmiye, Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee Kulmiye, Xoghayaha guud ee Xisbiga, Af-hayeenka Madaxweynaha Xildhibaano katirsan Wakiilada iyo Salaadiin Madax dhaqameed, Aqoonyahan, Dhalinyaro. Iyo Haween.
Madaxdii iyo Haldoorkii ka hadlay shaacinta 6 daas musharax u duceeyay xildhibaanada iyagoo ku bogaadiyay inay iska soo sharaxaan Xisbul Xaakimka Kulmiye waxayna balan qaadeen inay taageeri doonaan codkoodana siin doonaan musharaxiinta.
Musharaxiinta ayaa kala ahaa.
1. Maxamed Xasan Finad Wakiilada MJ
2. Axmed Siyaad Muxumed Deegaanka H
3. Axmed Buraale Iimaan Sallaxley
4. Ibraahin Cabdi Axmed Sallaxley
5. Cabaas Maxamed Cabdi Sallaxley
6. Liibaan Cismaan Wadad yare. Sallaxley

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button