Warar

Komishanka Doorashooyinka Oo Kala Diray Shaqaalaha Iyo Agabka Ka shaqaynaya Degmo bedelka iyo Kaadhka lumay

Komishanka Oo Bilaabaya Degmo beddelka

Komishanka doorashooyinka Somaliland, ayaa gobollada Dalka u kala diray Shaqaalaihii, Agabkii iyo Gaadiidkii ka shaqaynayey Hargeysa Degmo-Doorasho Bedalka iyo U adeegista Dadkii Kaadhadhku Ka lumeen ee ku dhaqan gobollada.

Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland, oo iyag hormuud u ahaa kala dirida shaqaalaha hawl gal galaya u adeegista dadkii Kaadhku ka lumeen iyo degmo doorasho beddelka, ayaa gobol kasta waxa loo diray waxyaabaha fududaynaya in hawshan u qabsoonto sidii loogu talo galay.

Muddada ay socoto hawsha ayaa la filayaa in ay ka faa’idaystaan bulshada Gobollada iyo degmooyinka ku dhaqan, si ciddii doonaysa in ay degmo beddel samaystaan Komishanku ugu sameeyo, halka kuwa Kaadhku ka lumeen la siin dooni waraaqo

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button