Warar

“Markii Xisbigaygii UDUB Iga Burburay Illaahay Ayaa Silic I Baday Oo Waa Anigan Kolba Mid Galaya, Uma Arko Xisbiyo Hagaagsan Kuwan Oo UDUB Oo Kale Ayaan Daydayayaa.” Siciid Sulub

Wasiir Xukuumadda Ka Tirsan Oo Dhaliilay Xisbiyada SOmaliland

Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Siciid Sulub, ayaa eedeeyeey Xisbiyada Somaliland ka jira kuwa dadkii u kala saaray Qabaa’il oo qofkii murrashaxnimo doonaya, ku xidhaya inuu soo kaxayso odayaasha reerkiisa.

Siciid Sulub oo ka hadlayey munaasibad lagu qabtay Magaalada Burco, ayaa sido kale muujiyey in aanu ku qanacsayn saddexda Xisbi ee ka jira Somaliland, isaga oo soo jeediyey in la furo Xisbiyada, waxaanu yidhi “Xisbiyadii ayaa imika wadaa in ay dadkii qabaa’il u kala saarto, waxaynu ku jirnaa in qofka murrashaxa la yidhaahdo reerkiinnii soo kaxayso, odayaashaadii iyo cuqaashaadii meeday.”

Wasiir Sulub oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi

“Waxaan leeyahay 10 sanno wax yar ayaa ka hadhaye ha la sameeyo Xisbiyo cusub oo dadka iyo qaranka isku xidho. Waxa aan sidaasi u leeyahay, anigu maanta Kulmiye ayaan ku jiraa, shalay WADDANI ayaan ahaa, tii ka soo horreysay waxaan ahaa aasaasayaashii Xisbigii UDUB. Markii Xisbigaygii UDUB iga burburayna Illaahay ayaa silic i baday oo waa anigan kolba mid galaya, uma arko Xisbiyo hagaagsan oo UDUB oo kale ayaan daydayayaa.”

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button