Warar

Shirkadda SOMTEL Oo Soo Bandhigtay Addeeg Lacag Amaah Ah Siinaya Macaamiisheeda

SOMTEL Oo Soo Bandhigtay Addeegyo cusub

 

Shirkadda SOMTEL Oo Soo Bandhigtay Addeeg Lacag Amaah Ah Siinaya Macaamiisheeda

 

Shirkadaha Dahabshiil Group, gaar ahaan Dahabshiil Bank iyo Shirkadda Somtel oo ah hormoodka is-gaadhsiinta casriga ah ayaa soo bandhigay laba adeeg oo ay ugu talo-galeen macaamiishooda iyo guud ahaanba qaybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Munaasibadda lagu soo bandhigay adeegyadan cusub ayaa waxaa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibrahim Jamac – Baqdaadi, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid, Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad – Saajin, Maareeye Ku-xigeenka Dahabshiil Group Cabdirahman Cali Cabdi, Maareeyaha Somtel Cabdinasir Daa’ud iyo masuuliyiin kale oo ka socday Dahabshiil Group iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Adeegga Kaabe *900# waxa uu siin doonaa amaah joogto ah macaamiisha kala duwan ee isticmaasha adeegyada Shirkadda Somtel, eDahab iyo guud ahaanba Dahabshiil Group

Adeegga KAYDSO *232# waxa uu macaamiisha Shirkadda Somtel,eDahab iyo Guud ahaanba Dahabshiil Group u kaydin doonaa lacagta ay dhigtaan mudada ay doortaan sida 3 bilood, 6 bilood iyo 12 bilood mudadaas macmiilku lacagta uu dhigto lama bixi karo ilaa ay dhamaato mudada uu doortay adeeggani waxa uu macaamiisha barayaa habka wax loo dhigto ama loo Kaydsado.

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala soo xidhiidh 333/111

 

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button