Warar

Wasaaradda Caafimaadka Oo Bulshada Ugu Baaqday In Ay Ka Taxadiraan Halista Cudurka COVID19

Dadweynuhu ha qaataan Tallooyinka Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa bulshada ugu baaqday in ay ka taxadiraan cudurka halista ah ee COVID19, kaas oo dib ugu soo laba kacleeyey Somaliland iyo Adduunkaba.

 

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Mudane Cumar Cali Cabdillaahi oo uu wehelinyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Mud. Mahdi Cismaan Cabdilaahi (Buuri) ayaa manta Gudaha Wasaradda Caafimaadka Kulanka todobaadlaha kula qaatay qaar kamida masuuliyiinta waaxaha Wasaraadda H. Cafimaadka, dhakhaatiirta iyo La taliyayaasha Wasaradda.

Kulankan oo Mudo dheer socday ayaa ujeedadiisu ahayd sidii la isaga xogwaraysan lahaa Xanuunka Covid-19 oo Mudooyinkii u dambeeyay Dib ugu Soo laba kacleeyay Dalkeena iyo dunidaba.

Intaa ka dib Wasirka Wasaradda Horumarinta Caafimaadka Md.Cumar cali abdilaahi oo saxaafada la hadlay ayaa bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqay in ay ka Taxadiraan halista Xanuunka safmarka ah Ee (Covid-19) kana digtoonaadan wax walba oo Sababi kara in uu faafo.

Sidoo kale wasirka ayaa bulshada u sheegay in ay qaataan awaamirta kasoo baxaysa Wasaradda Horumarinta Caafimaadka ee ku aadan Halista xanuunka (Covid-19) iyo sidii looga gaashaman lahaa.

 

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button