VideosWarar
Magaaladda Hargeysa Oo Lagu Dhagax Dhigay Qasriga Suldaanka Guud ee Somaliland Suld. Daa’uud Suld. Maxamed Suld. C/qaadir Uu Yeelan Doono
"Waxaana dhismaha Qasirga Suldaanka guud ku bixi doona lacag ka badan $300.000, (saddex boqol oo kun oo dollar)..." maamulaha guud ee shirkadda dhismaha "Som property Eng Khaalid Axmed Cabdillaahi


Magaaladda Hargeysa Oo Lagu Dhagax Dhigay Qasriga Suldaanka Guud ee Somaliland Suld. Daa’uud Suld. Maxamed Suld. C/qaadir Uu Yeelan Doono
“Waxaana dhismaha Qasirga Suldaanka guud ku bixi doona lacag ka badan $300.000, (saddex boqol oo kun oo dollar)…” maamulaha guud ee shirkadda dhismaha “Som property Eng Khaalid Axmed Cabdillaahi
Magaalada Hargeisa waxa laga dhagax dhiigay Qariga suldaanka guud ee dhaqanka Somaliland Suldaan Da,uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir. Kaas oo noqon doona xarunta madax dhaqameedka Somaliland.
Caaqil rashiid Maxamed Jaambiir iyo Caaqil Cabdirisiqaaq Maxamed Askar oo halkaa kabhadlay ayaa sheegay in qasriga suldaanka guud oo dhaggax dhigay Koonturta Hargeysa uu noqon doono xarunta kulmin doonta dhaqanka Somaliland iyo xafiiska Suldaanka guud.
Dhagax dhiggay qasriga Suldaan guud ee Somaliland waxa ka hadlay, Salaadiin,Cuqaal iyo waxgaradka umadda kuwaas oo soo dhaweeyay xarunta ama qasriga loo binaynayo Suldaanka guud Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyagoo u duceeyay.
Eng Khaalid Axmed Cabdillaahi maamulaha guud ee shirkadda dhismaha “Som property” ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay shirkad ahaan inay ku guulaystaan dhismaha qasriga Suldaan guud, waxaa uu sheegay in dhismaha qasriga Suldaanka guud uu ka kooban yahay dhisme laba dabaq ah, Hall-kii shirarka oo qaadaya 200, oo qof, Xafiiska Suldaanka guud uu fadhiisanayo iyo Madxaf lagu kaydin doono dhaqanka.
Waxaana dhismaha Qasirga Suldaanka guud ku bixi doona lacag ka badan $300.000, (saddex boqol oo kun oo dollar).
Eng Khaalid Axmed Cabdillaahi guddoomiyaha shirkadda dhismaha (Som property) ayaa sheegay qasirga Suldaanka guud inay ku dhamayn doonaan wax ka yara 9 billood.
Ugu dambayna Madax dhaqameedka Somaliland Maamulka Shirkadda “Som property” iyo Suldaanka guud ee Somaliland ayaa wadajir u dhagax dhigay Qasriga Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.
halkan ka Daawo
https://youtu.be/ulFhLF27ekI