Warar
Komishanka Doorashooyinka Oo Daah-furay Bilowga Kaadh Qaadashada codbixiyeyaasha
Gobollada Saaxil, Sanaag iyo Sool oo laga bilaabay 11 bisha march

Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa si rasmi ah u daah-furay qaadashada kaadhadhka codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland, oo 11-ka bishan ka bilaabmi doonta saddexda Gobol ee Saaxil, Sanaag iyo Sool.
Munaasibaddo kala duwan oo lagu qabtay Magaalooyinka Berbera, Ceerigaabo iyo Laascaanood, ayaa lagu daahfuray bilowga kaadh qaybinta.
Xubno ka socday Komishanka doorashooyinka iyo xisbiyada oo hadallo ka jeediyey munaasibadahan, ayaa bulshada u soo jeediyey in ay qaataan kaadhadhka codbixinta, madaama oo ay doorashadii soo dhowdahay.
Kaadh qaybinta ayaa muddo saddex cisho ah ka socon doonta saddexdan gobol, iyada oo lagu xigsiin doono gobollada awdal, togdheer iyo Maroodi jeex.