Faa’iidooyinka Uu Leeyahay Faytamiin C-gu, Gaar Ahaan Xoojinta Difaaca Jidhka
Waa sidee qaabka ay maaddada Vit C kor ugu qaado difaaca jidhka

Faa’iidooyinka Uu Leeyahay Faytamiin C-gu, Gaar Ahaan Xoojinta Difaaca Jidhka
Waa sidee qaabka ay maaddada Vit C kor ugu qaado difaaca jidhka? Kahor waxa aynnu ogeyn in xilligan Koroonaha dhakhaatiirtu ay ku taliyeen in la qaato daawooyin qofka ka caawinaya sida difaaca jidhkiisu kor u kaci lahaa.
Tusaale ahaan waxa kamid ah daawoyinkaas Vit D, Vit C iyo Zinc. Haddaba waxa aynnu qodobeyn doonaa dhowr hab oo Vit C-gu uu kor ugu qaado difaaceenna jidhka. Waxa aynnu eegi doonaa qaabka iyo xidhiidhka ka dhaxeeya kor ukaca difaaca jidhka iyo qaadashada faytamiinkan.
Vit C waa nooc kamid ah maadooyinka uu jidhkeennu u baahan yahay, waana mid kamid ah faytamiinada biyaha ku milmi kara “Water Soluble Vitamins”, ka hor intii aan la ogaan xaqiiqda rasmiga ah ee Vit C-ga, 1932, dadku waxay aaminsanaayeen in xanuunada afka ku dhaca ay daawo ka yihiin Bambeelada geedka loo yaqaano, oo dabcan ay ku jiraan xaddi badan oo faytamiin C ahi.Caadiyan, qofka waxa looga baahan yahay xaddi inuu qaato maalintii, tusaale ahaan: qofka ninka ah maalintii waxa uu u baahan yahay 90mg,dumarka waxa iyaga looga baahan yahay 75mg, gabadha uurka ama naaska jaqsiisa iyadu waxay u baahan tahay 105mg. Xogtani waxa qortay jaamacadda Harvard qeybteeda caafimaadka guud ee bulshada[ Harvard deparatment of Public Health].
Haddaba sidee ayaa uu faytamiin C uu u caawiyaa difaaca jidhkeenna? halkan hoose waxa aynnu ku xusi doonaa 10 qodob oo uu faytamiinkani u caawiyo adkeynta difaaca jidhka.
Aynnu bilowno.
1. faytamiin C waxa uu kor u qaadaa inuu jidhku soo daayo dheecaanada loo yaqaano
“Interferons”, dheecanadan waxa la soo daayaa caadiyan xilliga jidhka uu soo galo shay dibadda kaga yimaada, kadibna waxa uu cariyaa difaaca dhaladka ah ee jidhka. Markasta oo jidhku soo daayo dheecaanadan waxa kor un kaca difaaca jidhka, halkaas ayaana uu waxtarka faytamiinkani ku jiraa.
2. Faytamiin C gu waxa uu jidhka ka caawiyaa kor u qaadista shaqada unugyada “Phagocytes”.Unugyadan waa nooc kamid ah unugyada dhiigga cad-cad, ungyadani marka ay dilaan dhammaan waxyaabihii jidhka soo galay, waa ay liqaan, kadibna waa ay burburiyaan iyaga oo isticmaalaya dheecaano gaar ah “Enzymatic action” isticmaalaya.
3. Faytamiin C waxa laga helaa caadiyan unugyada dhiigga cad-cad ee jidhka. Waxa la sheegaa in maaddani ay ku badan tahay dhiigga cad in kabadan 80 jeer marka loo barbar dhigo qeybta kale ee Serum-ta la yidhaa. Waana sababta ay u caawinayso difaaca jidhka.
4. Maaddada faytamiin C waxay kor u qaadaa soo saarista borotiinka loo yaqaano “cytokine”. borootiinkan waxa soo daaya unugyada dhiigga ee cad-cad, waxaanay ka caawisaa isku xidha unugyada kale ee jidhka, arrinkani waxa uu kor u qaadayaa difaaca jidhka. Si looga hor tago ili-ma aragtayga soo galaya jidhka.
5. Maaddadan faytamiin C waxay kor u qaadaa soo saarista unugyada difaaca ee “T-lymphocytes” la yidhaa, unugyadani waxay ka qayb qaataan dhexdhexaadinta difaaca jidhka, sidaas ayaana uu faytamiin C uga qeyb qaataa ilaalinta difaaca jidhka.
6. Maaddada faytamiin C waxay ka qeyb qaadataa soo saarista unugyada difaaca ee “B lymphocytes”. Unugyadan oo kamid ah nooca dhiigga ee cad-cad waxay soo saaraan difaac jidheedka loo yaqaano “Antibody”. waxaanay soo baxaan marka la arko waxyaabo dheeraad ah oo jidhka soo gala sida Pathogens-ka oo kale.
7. Faytamiin C sidoo kale waxa uu xidhaa in la soo saaro maaddada loo yaqaan
“Neuraminidase”. Dheecankan waxa uu ka saacidaa nooc kamid ah Bacteria-da iyo Virus-ka inay ku dhegaan xuubabka gudaha ee jidhka. Xuubabkan waxay kamid yihiin difaaca dabiiciga ah ee jidhka “Natural Defense lines” In laga ilaaliyo inay ku dhegaan xuubabkaas waxa ay kor u qaadaysaa difaaca jidhka, shaqadaasna waxa qabta faytamiinka C ga.
8. Faytamiinka loo yaqaano C waxa uu qabtaa in uu noolayaasha ili-ma aragtaygaa unugleeyo dahaadhkooda sare, haddii uu nuglaanshahaasi uu ku dhaco Bacteria-da waxa dhacaysa inay awoodi waydo iska xejinta noocyada lid-noolaha”Anti-biotic” ah ee loo isticmaalo.
9. Faytamiin C waxyaabaha kale ee uu caawiyo waxa kamid ah, in laga helo maadooyinka ka hor taga suntan jidhka “Anti-oxidants” maadooyinka ayaa la xaqiijiyay inay jidhka faa’ido badan u leeyihiin, maadaama ay suntii jidhka ka saarayaan.
10. ugu dambeyn, faytamiinka C waxa uu ka caawiyaa jidhkeenna saameynta loo yaqaano “mucolytic effect’’. Saameyntani waa ay caawisaa inay dareero ahaan u beddasho adakeyaasha, taasi oo kor u qaadaysa difaaca jidhka, ama sidii looga soo saari lahaa jidhkaunugyada xanuunka sida.References:
✓ https://www.sciencedirect.com/topics/nursing-and-health-professions/mucolytic-
agent .
✓ https://www.doctorsformulas.com/en/category/newsposts/vitamin-c-
strengthens-the-immune-system-in-20-different-ways.htm.
Mohiodin Abdirahman Hassan [BSc |RN]
Email: hiyohassan527@gmail.com
Tell:+25263-4199218