Warar

“Qoddobadan Ayaa Mudnaanta Koowaad Siin Doonaa” Murrashax Maxamed Raambo

Farriin Shacab

#Farriin_shacab

Waxa aan u taaganahay u adeegista shacabka, kor u qaadista codkooda, gaadhsiinta baahiyahooda miisaska go’aamada lagu qaato iyo xaqjiinta inay yeeshaan cid si run ah u metesha. Waa muhiim inaad doorato xildhibaan si run ah kuu metela.

Waxa aan ahay xog ogaal ku barbaaray, wax ku bartay oo ku shaqeeyey gudaha Somaliland. Waxa aan si fiican u fahamsanahay baahiyaha shacabka Maroodijeex oo aan la leeyahay xidhiidh nololeed, shaqo iyo bulsho oo toos ah.

Muddo 20 sanadood ah ayaan ahaa suxufi, taas oo fursad fiican ii siisay inaan xog buuxda iyo ogaal dhamaystiran u yeesho dadkayga. Aqoonta aan leeyahay ayaan doonayaa inaan ugu adeego dadwaynaha.

Waxa aan aaminsanahay dulqaadka bulsho, wax wada qabsiga iyo is-garabsiga, maamul daadejinta, caddaaladda iyo in bulshadu u tafo xaydato sidii ay iyagu qayb laxaad leh uga gaysan laheeyaan horumarka dalka iyo dadka.

Waxa aan mudnaanta koowaad siinayaa:

1. In xeerarka dalku noqdaan kuwo ku dhisan oo ka turjuma baahida, caqiidada, dhaqanka iyo duruufta shacabka;

2. In miisaaniyadda dalku awoodda saarto adeegyada bulsho sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, laydhka, shaqo abuurka iyo kobcinta reer guuraaga.

3. In wax ka badel lagu sameeyo xeerarka gaboobay ee laga dhaxlay dawladdii Maxamed Siyaad Barre.

4. In la dejiyo habraacyo iyo hagayaal hufan oo shacabku ku soo gaadhsiin karo xildhibaanada ay doortaan baahiyahooda, islamarkaana ay kula xisaabtami karaan.

5. In la xoojiyo isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta.

6. In la gaadhsiiyo hay’adaha fulineed baahiyaha deeganada.

Murashaxa golaha wakiilada ee Gobalka Maroodi-jeex

Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo)

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button