Warar

“Waxa Laga Qaadi Doonaa Tallaabo Ku Haboon, Kuwa Wax U Dhimaya Wada hadallada” Midowga Yurub Oo Hanjabaad u Diray Madaxda Somalia

Midowga Yurub Oo ka Hadlay Xaaladda Somalia

“Waxa Laga Qaadi Doonaa Tallaabo Ku Haboon, Kuwa Wax U Dhimaya Wada hadallada” Midowga Yurub Oo Hanjabaad u Diray Madaxda Somalia

Midowga Yurub ayaa war saxaafadeed uu soo saaray waxa uga hadlay khilaafka doorasho ee ka taagan Soomaaliya ee u dhaxeeyao madaxda Dolwadda Federalka iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada.

Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub ahna wasiirka Arrimaha Dibadda Josep Borrell ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee hadda Soomaaliya ku sugantahay.

Borrell ayaa madaxda Soomaalida u sheegay in loo baahanyahay hanaan doorasho oo hufan in lagu qabto sida ugu dhaqsiyaha badan. si xukunka la isugu wareejiyo hab nabdoon, iyadoo la raacayo hirgelinta heshiiskii doorasho ee 17-September.

“Heshiis la’aanta hadda taagan waxey dib u dhigeysaa xawaraaha is-beddella deg degga loogu baahan yahay, taasi oo dhaawaceysa muwaadiinta Soomaaliyeed,” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub.

Dhanka kale waxa uu si adag ula hadlay hogaamiyeyaasha Soomaalida, isagoo uga baaqay iney ka fogaadaan danta shaqsiyadeed, waxaana uu intaa ku daray kuwa diidan wadahallada ee ka shaqeynayana rabshado ama dib u dhac in laga qaadi doono tallaabo ku haboon islamarkaana ay la kulmi doonaan caawiqabta ficilladooda.

“Marka mudnaanta shaqsiyadeed ay ka sarreyso danta guud ee dalka, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ayaa ceebeynaya naftooda si ay u metelaan muwaadiniintooda, kuwa wax u dhimaya wada hadalka ama ka shaqeynaya rabshadaha, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo ku haboon waxeyna wajihi doonaan caawqibta waxa ay sameeyeen,” ayuu yidhi Mr Josep.

Xigasho: Caasimadda.com

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button