VideosWarar

Guddoomiyhii Hore Ee Haweenka Ururka Gaaroodi Oo Ka Dayrisay Xaalada Cusbitwalka Sallaxley+ Baaq Ay Xukuumadda S/land Iyo Bulshadda Reer Sallaxley U Dirtay

Guddoomiyihii hore ee ururka Haweenka Gaaroodi ee Iskutaga Imaaraadka Carabta Marwo: Safiya Suleekha Daa’uud, ayaa ka hadashay Xaalad Burbur iyo Dayacaada oo soo food saartay Cusbitaalka Degmadda Sallaxley oo sannado ka hor isaga oo Dhismihiisa iyo Qalabayntiisu ay Si Casriya u hirgeliyeen ururka Haweenka Gaaroodi kuna baxday $150,000 ( Boqol Iyo Kontan Kun oo Dollar) hirgelintiisa ay ku wareejiyeen Wasaaraddii Caafimaadka ee Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo)  balse sida ay hadalkeeda u dhigtay ay ku tilmaantay arin nasiib daro weyn ah maanta oo lagu jiro sannada 2021ka in guud ahaan Cusbitaalkii qalabaysna ee ay wareejiyeen uu ku Daafad iyo meel burburtay isku bedelay.

 

Marwo: Safiya Suleekha Daa’uud oo Khadka Taleefanka ugu warantay iyada oo Dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta ku sugan Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil, ayaa dhinaca kale baaq culus u dirtay Dowladda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi hogaamiyaha ka yahay gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka iyo cid kasta oo ka soo jeeda Deegaanadda Magaaladda Sallaxley ee Cusbitaalkani muhiimka u ahaa Bulshadda halka ku dhaqani inay gacan ka gaystaan sidii Dayaca iyo burburka Cusbitaalka Magaaladda Sallaxley ku yimid loo badbaadinlahaa.

 

Halkan Muqaalka Ka Daawo

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button