Warar

Heshiis Halis Ah Oo Ay Kala Lahaayeen Saxeexanayeen Farmaajo, Abiy Ahmed Iyo Afwerki Oo La Kashifay

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa shaaca ka qaaday inuu jiro heshiis halis ah oo ay kala saxiixan doonaan Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa shaaca ka qaaday inuu jiro heshiis halis ah oo ay kala saxiixan doonaan Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea, kaasi oo uu ku baaqay in fiiro gaar ah loo yeesho.

Cumar Cabdirashiid, oo ah senator ka tirsan Aqalka Sare, ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in heshiiskan oo ah mid amni iyo difaac la doonayo in dhowaan lagu saxiixo magaalada Addis-Ababa.

“Heshiiska amni/difaac ee la isla dhex-marayo ee u dhaxeeya Eritrea, Ethiopia iyo Soomaaliya waxa uu noqon karaa arrin khatar keeni karta oo u baahan in fiiro gaar ah loo yeesho. Sababtoo ah, si xun u adeegsiga aan dhammaadka lahayn ee waaxda amniga, waxay noqon doontaa arrin wallaac dhab ah leh, haddii dowladda federaalka ee waqtigeedu dhammaaday ay isku daydo in heshiis noocan ah ay ku saxiixdo Addis Ababa,” ayuu yidhi Cumar Cabdirashiid.

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button