Warar

Shirkii Golaha Dhexe Ee Waddani Oo Lagu Doortay Murrashax Madaxweynaha Iyo Ku-Xigeenkiisa Iyo Qoddobo Kale Oo Lagu Ansixiyey

Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa maanta ka furmay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa, kaas oo ay ka qayb galeen ergo gaadhaysa 300 oo xubnood

Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa maanta ka furmay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa, kaas oo ay ka qayb galeen ergo gaadhaysa 300 oo xubnood.

Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani oo hal maalin socday, ayaa waxa lagu doortay Murrashaxa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka ee Xisbigaasi uga qayb geli doono doorashada Madaxtooyada 2022-ka.

Shirkan, ayaa furitaankiisii waxa hadallo kala duwan ka jeediyey Masuuliyiinta sarsare ee Xisbiga Waddani, kuwaas oo ka hadlay ujeeddada Shirka Golaha Dhexe, Qorsheyaasha Xisbigooda iyo qoddobo kale.

Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ka hadlay Furitaanka Shirka Golaha Dhexe ee Waddani, ayaa ka hadlay kala xulista Murrashaxiinta Xisbiga Waddani ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada.

Hoggaamiye Xirsi, waxa uu ka dhawaajiyey inuu ka mid ahaa guddida xulinta iyo kala saarista Murrashaxiinta Xisbiga, waxaanu xusay in guddi ahaan ay gudbiyeen iyaga oo caddaalad ku dedaalaya dadkii ay isla haayeen waa kuwii buuxiyey habraacyadii iyo shuruucdii loogu talo galay, waxaanu sheegay in xubnaha aan loo xulin in ay murrashaxiin Xisbiga u noqdaan ee laga tegay in ay ku qancaan Go’aanka Xisbiga.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa uu tilmaamay in Xisbiga Waddani uu leeyahay Mustaqbal ifiya oo ay qayb ka noqon karaa xubnaha aanay suurto gelin in ay murrashaxiin noqdaan.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, oo ka hadlay Shirkan ayaa warbixin guud ka bixiyey waxyaabihii u qabsoomay Xisbigooda, isaga oo xusay in ay wax badan ka qabteen dhismaha xafiiska guud iyo kuwa Gobollada “Murrashaxiinta Maanta la dooran doono ee Waddani, waxa aynu u diraynaa in ay hagaajiyaan oo saxaan, nidaamka KULMIYE kufsaday, eexda iyo qaraabo kiilka iyo xadhigga sharci darada ah”

Afhayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun, oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Guddoomiyaha iyo Musharraxiisa waxa aan leeyahay u dhaqaajin maynee fullaha dhoosha ka adkaysta.Hoggaamiyaha aynu wadno Cabdiramaan Maxamed Cabdilaahi iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Cali Aw Cabdi, waa nimankaa hayinka ah ee aynu wadda jecelnahay ee aynu garbaha ka taaganahay, waa dooranayaan aynu diraynayo ee aynu u ducayno.”

Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ee Xisbiga Waddani Cabdirisaaq Khaliif oo ka hadlay Shirkaasi, ayaa sheegay in Xisbiga iyo xubnaha Golaha Dhexe ay u taallo hawl culus oo u baahan in wada jir looga shaqeeyo, waxaanu yidhi “Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga waxa laga sugayaa hawl adag, Waxaan ku dardaarayaa Dhammaan Xubnaha Xisbiga WADDANI inaynu u diyaargarowno Wakhigaa adag ee innagu soo wajaahan iyo hawshaa culus ee doorashooyinka “Cabdirasaaq Khaliif.

Guddoomiyaha Ku-meel Gaadhka ah ee Waddani Cabdiqaadir Jirde, ayaa isaguna ka dhawaajiyey “Waxaan idiin sheegayaa inaynu nahay Xisbi diyaarsan, Waxaynu gelaynaa waa jihaad aynu tallada dalka ku bad-baadinayno.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiqaadir Jirde.

Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Heer Qaran ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdirashiid Cabdi Jaamac oo khudbad ka jeediyay Shirka Golaha Dhexe ayaa ku dheeraaday doorka weyn ee Dhallinyaradu ku leedahay hoggaanka Xisbiga iyo hagista hawlaha Xisbiga, gaar ahaanna qabanqaabada iyo qabsoomidda shirkan Golaha Dhexe.

Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani, ayaa cod aqlabiyad ah ku doortay Murrashaxa Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

Xubnahan ayaa mar kale u doorteen Cabdiraxmaan Cirro inuu noqdo Murrashaxooda madaxweynaha, waxana u coddeeyey 312 ergay, waxa diiday hal qof, cid ka aamustayna ma jirin.

Sidoo kale, waxa isna murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenka loo doortay  Maxamed Cali Aw Cabdi,waxaana  u coddeeyey  306 ergay, 5 qof ayaa diiday, hal qofna wuu ka aamusay, Guddoomiyuhuna muu codeyn.

Labada murrashax ayaa u mahadceliyey ergadii dooratay waxaanay sheegeen inay ku shaqeyn doonaan siyaasadda xisbiga iyo danta guud ee dalka “Xisbiga Waddani waa xisbi dimuqraaddi ah waana lagu tartama Dhammaan Xilalkiisa waxaan u mahadnaqaya dhammaan inta ii codaysay iyo inta iga codaysayba,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga ahna Musharrax Madaxweyne Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo u mahadceliyay Xubnaha Golaha Dhexe ee codka siiyay.Musharraxa madaxweyne ku xigeenka Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa isna u mahadceliyay Xubnaha Golaha Dhexe ee codka siiyay “ Waa Dimuqraaddiyad Aad baan ugu faraxsanahay in cid tidhaa ma ogoli aad iyo aad baan ugu mahadcelinaya ciddii ii codaysay iyo ciddii iga codaysay ba. Waad na doorateen ee ducadana noogu dara.”

Sidoo kale, Shirkan Golaha Dhexe ayaa waxa lagu ansixiyey Miisaniyadda Xisbiga, halka sidoo kale Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani, ayaa go’aamiyey in muddo 7 bilood gudahood ah lagu qabto Shirweynaha Xisbigaasi.

 

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button