Warar

“Waxaan Ka Shaqaynayaa Sidii Xisbiyagu Golaha Wakiillada Ugu Yeelan Lahaa 60 Mudane” Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inuu ka shaqaynayo sidii Xisbiga uu ka tirsan yahay ee Waddani uu Golaha Wakiillada ee soo socda ugu yeelan lahaa 60 Xildhibaan.

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inuu ka shaqaynayo sidii Xisbiga uu ka tirsan yahay ee Waddani uu Golaha Wakiillada ee soo socda ugu yeelan lahaa 60 Xildhibaan.

Hoggaamiye Xirsi oo ka hadlayey Kulan ay kula dardaarmayeen Murrashaxiinta Xisbigaasi, ayaa waxa uu sidoo kale u soo jeediyey in ay noqdaan Xildhibaannadaasi marka ay soo baxaan qaar leh Mab’ad iyo aragto Siyaasaddeed oo ku qotonta ta Xisbigooda.

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlayey arrintaasi, waxa uu yidhi “Anigu Imika Xisbi ayaa ahay, waxa aan ka shaqaynayaa sidii Xisbigaygu uu Golaha Wakiillada ugu yeelan lahaa 60 Xildhibaan, waana mid suurto gal ah in aanu yeelano Xubnaha ugu badan Golaha Wakiillada. Xisbiyadu danno ayey kala leeyihiin, oo waa la idin xod-xodanayaa, Xildhibaan qaran ayaad tahay marka si kale oo dhigo, oo Xisbiga aad ka soo baxday marka laga yimaado waxa aad tahay Xildhibaan Qaran.”

 

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo la dardaarmayey Murrashaxiinta Xisbigiisa Waddani, ayaa sheegay in looga baahan yahay in ay yeeshaan Maba’da iyo aragti siyaasi ah, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay mab’ad siyaasaddeed lahow, oo ha noqon qof kolba dhinac loo kaxeeyo, noqo qof aragti siyaasaddeed leh oo ku qanacsan Xisbigiisa iyo mab’adiisa Siyaasaddeed, haddii ay tahay ta qaranka iyo ta Xisbigaba. Marka labaad waxa aad noqonaysaa sharci dejiye, Illaahay ayaa sharciga dejiyee, waxa lagu dirayaa in aad dejiso sharci ummada maslaxadeed ka shaqaynayaa, ummada maslaxadeed haddii aad doonayso adigu baro, waxaana ugu horreeya Distuurka iyo xeerarka kale ee dalka.”

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button