Warar

“Wasiir Kasta Oo Xukuumadda Ka Tirsan Waxa Laga Doonayaa Inuu Soo Saaro Xildhibaankiisa. Kii Soo Saari Waayana….” Wasiir Axmed Muumin Seed

“Mucaaradku aad ayey u xag-gasho badan yihiin

Wasiirka Beeraha Somaliland, Axmed Muumin Seed, ayaa ka dhawaajiyey qorshe u muuqda in Madaxweynuhu faray oo la xidhiidha doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo deegaanka ee foodda innagu soo haya.

Mr. Seed oo ka hadlayey Munaasibad loo qabtay Murrashaxiinta Xisbiga Kulmiye ee Gobollada Bariga, ayaa sheegay in Wasiir kasta oo ka tirsan Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi laga doonayo inuu soo saaro Xildhibaanka deegaankiisa ka sharaxan, si uu Xisbigu guul uga soo hooyo doorashada soo socota “Mucaaradku aad ayey u xag-gasho badan yihiin, laakiin innagu u jawaabimayno ee waxa aynu ka shaqaynaynaa sidii aynu u guuleysan lahayn.” Ayuu yidhi Wasiir Axmed Muumin Seed, waxaanu intaasi raaciyey “Wasiir kasta oo Xukuumadda ka tirsan waxa laga doonayaa inuu xildhibaankiisa soo saaro, Wasiirkii soo saari waayana calaamatu su’aal ayaa saran.”

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button