Warar

Xisbiga Waddani Oo Sheegay In Aanay U Dul Qaadayn Murrashaxiinta Xisbigooda Ee La Xidh Xidhayo

Waxa La Noo Diiday In Aanu Booqano Murrashax Xidhan

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegay in aanay aqbalayn, una dul qaadanayn in murrashaxiinta ka sharaxan Xisbigooda in ay Xukuumaddu jeelasha ku gurto, xilli waddanku u diyaargaroobayo qabashada doorashada isku sidkan ee bisha dambe.

Masuuliyiin ka tirsan Xisbigaasi oo shalay laga hor istaagay sida ay sheegeen in ay booqdaan Murrashax Qaasim Saleebaan oo ka sharaxan Xisbigaasi oo ku xidhan saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ay aad uga xun tihiin xadhigga lala beegsanayo murrashaxiinta Mucaaradka, waxaanu yidhi “Dhacdo aan loo dul qaadan karin ayaa dhacday nin murrashax ah oo ka tirsan Xisbiga Waddani oo lagu Magacaabo Qaasim Aadan Saleebaan oo ka sharaxan Gobolka Sool, oo ah murrashax rasmi ah oo komishanku ansixiyey, ayaa xidhan. Inanta keliya ee Burco nooga sharaxana iyada gurigeedii ayaa la weeraray, waana la doon doonayaa, waxaanu u arkanaa in ay tahay daandaansi iyo gardarro, annagu xisbi ahaan ma jecelin dhibka, waxaanan u diyaar garownay doorasho,waxaanan ku han weynahay in aanu annagu guuleysan doono.”

Guddoomiye Jirde oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey “Markaa annaga dan innooguma jirto wixii doorashada qasaya, ee carqaladaynaya. Waxaan doonaynay in aanu soo booqano murrashax xidhan, Taliyihii saldhigu diidmo cad ayuu innoogu diiday in aanu booqano murrashaxa naga xidhan.”

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button