Warar

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Qalalaasaha Siyaasaddeed Ee Somalia, Farriinna U Diray Shacabka Muqdisho

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Sheegay In 30 Sanno Madaxda Somalia dhibaato ku haysay shacabka Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamay dhibaatooyinka iyo qalalaasaha siyaasaddeed ee ka soo cusboonaaday dalka Somalia, halkaas oo dagaallo iyo colaaddo ka taagan ay sababeen in boqolaal qof guryahooda ka cararaan.

Madaxweyne Muuse Biixi oo shalay ka hadlayey Magaalada Berbera  oo uu mashaariic horumarineed xadhigga kaga jarayey, ayaa sheegay in aanay shacabka Somaliland necbayn shacabka Somalia wax dhibaato ahna aanay u haynin, balse ay Siyaasiyiinta Somalia yihiin kuwo tallo xumadu hayso ee shacabkooda iyo kuwa Somaliland dhibaataynaya, waxaanu yidhi: “Dawladdaas Xamar ka dhisani dhibaatada ay u geysatay dadka xamar jooga iyo dhibaatada iyo qaxa ay gelisay aad iyo aad baannu uga damqanaynaa, Soomaaliya maamulka dadka hoggaamiya iyo siyaasiyiinta tallo xumadoodaannu is haynnaaye  shacbiga walaalahayaga Soomaaliya marna dhibaato lama rabno, haddaannu haynona waa u gurman lahayn, markay dhibaato dhacdona waannu u gurmannaa.”

 

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu intaas ku daray inay Somaliland ka damqaneyso dhibaatada iyo qaxa ay dawladda Xamar ka dhisani u geysatay shacabka Muqdisho, islamarkaana ay qaddarin iyo ixtiraam badan u hayaan shacabka, balse ay si weyn isku hayaan siyaasiyiinta iyo hogaamiyayaasha diiddan madax-banaanida ay ku doodaan. “Maanta aad baannu uga walaacnay oo aannu uga naxnay markaannu aragnay Xamar oo dib dagaal uga bilaabmayo, eeddaasna waxa leh dawladdii hoggaanka haysay oo iyadoo waqtigeedii dhammaaday damacday inaanay dadkii dhegaysan.”

Madaxweyne Biixi ayaa waxa kale oo uu sheegay in dhibaatada ay xanuunkeeda Afarta sanno ku dareemeen shacabka Soomaaliyeed, ay u dulqaadaneysay Somaliland soddonkiisa sanno ee ugu dambeeyeyba,  “Shacabka Soomaaliya waxan leeyahay bal Soddon sanno oo ah waxaas aad maanta aragteen ah ee dhibaatadaasi idinka gaadhay baa naga haysta dawladdihii Xamar ka dhismay, kan ilaa kuwii ka horreeyey. Waxaan idiin sheegayaa shacab ahaan inaad ogaataan inaannaad dadka necbayn ee danteennu is diidday oo waxaas maanta aad ka sasteen ee caalamku ka yaabay ay soddonkaas sanno naga haysteen madaxdiina iyo dadka idiin taliya,”

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button