Warar

“Booliskii Waxa Loo Dhiibtay Ku Yaroo Reer Hargeysa Ah Oo Uu Markii Horana Xirsi Waalay, Madaxweynihiina Uu Yidhi Booliiska Xukun” Faysal Cali Waraabe

Faysal Cali Waraabe Oo Dhalliilay U Jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Taliyaha Booliska

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku eedeeyay Taliyaha booliska Somaliland in uu musharixiinta ula dhaqmayo sidii argagixisada, oo uu kolba mid uu xidhayo.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu u soo jeediyey Madaxweynaha iyo Hay’addaha Ammaanka in ay caqabada ka daayaan hannaanka ay u socoto doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka.

Guddoomiyaha UCID oo ka hadlayey Munaasibad loo qabtay Murrashax ka tirsan Xisbigaasi, ayaa waxa uu yidhi “Waaka inanka uu abtiga u yahay ee Saaxil ka sharaxan xidhay ee markii la waydiiyay maxad u xidhay yidhi abti baan u aho waxan leeyahay ka joog nin kale ayaa Kulmiye ka sharaxane. Intuu saldhiga booliska ugu tagay buu ku yidhi abti hadanad is casilin 10 sano ayaa lagu xukumayaaye is casil, waar ma argagixisaa!”

Faysal ayaa taliyaha ku sheegay mid aan sharciga iyo dhaqanka booliska aan waxba ka garanayn, waxaanu yidhi “Dalkeenna laba meelood ayaa innoo fayowbayd, kuwaas oo ahaa bileyska iyo Ciidanka Qaranka, Booliska waxa loo dhiibaa cid booliska soo baratay oo garanaysa shaqadiisa, oo garanaya in uu sharciga ilaaliyo, dadkana la saaxiiba. Booliskii waxa loo dhiibtay ku yaroo reer Hargeysa ah oo uu markii horana Xirsi walay oo uu xidig, xidig, xidig, siiyay, oo uu madaxweynihiina ugu daray uu yidhi booliiska xukun, booliiskaba garan mayo”

 

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Waa kaas annaga noo hanjabayee leh cid xasanad lihi ma jirto, dee haddii uu xasanada diido oo uu sharciga diido isna ma wuxu noqonayaa taliye, ee laba nin oo reerro ah ayeynu noqonaysaa”

 

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button