Warar

Waalidiinta Ardaydii La Xidhay Ee Dugsiga Nuuradiin Oo Ka Dayriyey Xaaladda Caruurtooda

Waalidiinta Ardaydii La Xidhay Ee Dugsiga Nuuradiin Oo Ka Dayriyey Xaaladda Caruurtooda

Waalidiinta Dhashay arday lix ah oo loo haysto in ay abaabuleen rabshadihii dugsiga Nuradiin ee magaalada Hargaysa ka dhacay Bishii March, ayaa sheegay in loo diiday in ay caruurtooda xabsiga ku booqdaan.

“Wiilkaygu macaan ayuu qabaa, waala katiinadeeyay (jeebeeyay) oo wuu silcayaa” Waxa sidaas tidhi Hooyo Ooyeysay markaas oo sheegtay in ay dhashay mid ka mid ah ardayda xidhan.

Ehelada ardaygan ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada boolisku ay ka hor istaageen in ay xabsiga dhakhtar iyo dawooyin ugu geeyaan.

Walidiinta ayaa ku cawday in caruurtoodu ay dugsiga Nuradin u xidhanyihiin muddo bil ah isla markaana lasoo qabtay iyagoo dirayskii xidhan oo imtaxaan ku jira.

Waxay waalidintu ku andacooday in ilaa iyo hada anay jirin eedo ka dhan ah ubad kooda oo la horgeeyay laamaha garsoorka.

3 bishii Maarso ayay ahayd markii arday ka gadooday, khilaaf soo kala dhexgalay arday dugsiga wax ka barta iyo maamulka dugsiga ay burbur laxaadle u gaysteen dugsiga, iyadoo markii danbe 6 arday loo xidhay dhacdadaasi.

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button