Warar

Waaxda Maxamuud Haybe Oo Hoggaaminaysa Codadka Waaxaha Degmada Hargeysa Iyo Sida U Kala Cod Badan Yihiin Waaxyaha Kale

Degmada/Waaxd Maxamuud Haybe, ayaa noqotay Waaxda ugu codka badan Degmada Hargeysa, oo ah iyadu degmada ugu codka badan guud ahaan 23 degmo doorasho ee Somaliland.

Degmada/Waaxd Maxamuud Haybe, ayaa noqotay Waaxda ugu codka badan Degmada Hargeysa, oo ah iyadu degmada ugu codka badan guud ahaan 23 degmo doorasho ee Somaliland.
Degmada Hargeysa, oo ka kooban 5 waaxood oo Hargeysa gudaheeda ah iyo 5 degmo oo darajada D ah oo codkoodu kusood dhaco Hargeysa iyo goobo laga soo jaray Sallaxley iyo Baligubadle. Lab goobod oo cusub oo ah Balimataan iyo Qotonta Weyn oo hada ah goobaha cusub ee doorkan lagu daray diwaangalintii dhawayd.
Waaxaha shanta ah ee ay ka kooban tahay Degmada Hargeysa, ayaa waxa kaalinta koowaad ee dhinaca codadka yaalla amma dadka iska diiwaan gelisay hoggaaminaysa Waaxda Maxamuud Haybe oo 51754 cod, halka Kaalinta Labaad ay ku jirto Gacan Libaax, oo ah iyaduna 48366 qof,waxa kaalinta saddexdaa ku jirt Axmed Dhagax 43610.
Waaxaha 26-June iyo Ibraahim Koodbuur oo lagu tirin jiray Waaxaha degmada Hargeysa ugu codka badan, ayaa ku jira kaalmaha 4-aad iyo 5-aad.
Tirad Guud ee dadka iska diiwan geliyey Degmada Hargeysa ayaa dhan 289,613 qof

 

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button