Warar

Sidee Ayuu Xisbiga Kulmiye U Ogolaatay 2005-Tii In Cabdiraxmaan Cirro Uu Noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Iyo Soo Jeedintii Faysal Cali Waraabe Ee Ay Ka Cadhoobeen Hoggaanka Kulmiye

Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan Oo Ka warramay Qaabkii Shirguddoonka Loo Doortay

Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee wakhtigoodu sii dhammaanayo, ayaa xog ka bixiyey qaabkii Golaha Wakiilladii wakhtigii la doortay ee 2005-tii ay u doorteen Shirguddoonka Golahaasi, oo xilligaasi ay saddex xubnood ee Shirguddoonkaba ay qaateen Labadii Xisbi Mucaarad ee Kulmiye iyo UCID.

 

Cabdiraxmaan Cartan, waxa uu xusay in Faysal Cali Waraabe uu u soo jeediyey in ay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada siiyaan, xubnaha kale ee kuxigeennada ahna Kulmiye qaato, taasoo uu sheegay in ay ka cadhoodeen, madaama oo Xisbiga Kulmiye 28 Xildhibaan uu lahaa, halka UCID-na uu lahaa 21 Xildhibaan.

Qoraal uu facebook-giisa uu ku baahiyey Xildhibaan Cartan, ayaa u dhignaa sidan:

“1.Xubin Baarlamaan oo Mucaarid ah (2005-2010)

Xisbi mucaardka Kulmiye baan noqday oo uu Axmed Siilaanyo guddoomiye ka yahay. Ninkaas oo haybad dheeri ah ka helay doorashadii la yaabka lahayd ee 16kii Abriil, 2003 uu kaga hadhay 82 cod. Mawqaf gudo iyo debeddba lala yaabay buu ahaa. Su’aasha lays weydiinayey baa ahayd: “waar ma dad Afrikaan ah baa ku kala samri kara faraq 82 cod ah, buuq iyo dagaal la’aan?” Siddeed sanadood oo danbe ayay Siilaanyo ku qaadatay inuu madaxweyne noqdo, 26kii Juun, 2010.

Doorashadii Wakiiladu waxay dhacday 29kii Sebtambar, 2005tii, waxa ku loolamayey saddexda Xisbi KULMIYE, UCID iyo UDUB oo xisbi xaakimka ahayd. 28 xubnood oo birta ka adag iyo xulafadiisii xisbiga Ucid oo 21 xubnood ah, 49 xubnood baa mucaardku yeeshay, halka UDUB yeelatay 33 xubnood.

  1. Xulashadii Shir-guddonka Baarlamaankii Cusubaa

Faham baa jirey inay labada xisbi mucaarad yeeshaan hoggaaminta baarlamaanka.

Iyadoo xisbiga Kulmiye ka shirayo, ciddii ay u xulan lahaayeen Guddoomiyaha baarlamaanka, xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo xildhibaan Maxamed X Maxamuud ayaa Faysal Cali Waraabe Kulmiye u soo dawiyey dalab lamafilaan ah oo murankii labadii nin ee shir-gudoonka u tartamayey soo afjara.

Dalabkaa Faysal wuxu leeyahay, “haddaannu nahay xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ‘waxannu doonaynaa in reer KULMIYE nagu taageero Guddoomiyaha Baarlamaanka oo aannu u doonayno Cabdiraxman Cirro”. Shirweyn baa reer KULMIYE fadhiyaa, gaar ahaan 28kii xildhibaan, Guddoomiye Siilaanyo, Guddomiye xigeen Maxamed Saalax Fagadhe iyo guddidii fulinta.

Dhammaan xoog baa looga cadhooday arrintaasi ayna tahay mid aan la aqbali Karin, “weynnu ka miisaan weyn nahay, tirada xildhibaanada waynnu ka badan nahay, sideee bay inoo weydiisan karaan guddoomiyaha?”

Dhimac kale baa loo rogay, “waar Faysal nin la saadaalin karo maaha, arrintan ujeeddo ayuu kale leeyahay. Wuxu doonayaa in aynnu diidno kadibna uu ka baxo xulufaysiga mucaaridka uu UDUB la qabsado!”

Markii fekerkaasi yimi baa dib loo wada fadhiistay. “Haddii Gudoomiyanimda Cirro ku haynayso UCID xerada mucaaridka ha la siiyo.” Kiniin qadhaadh buu ahaa waase la qaatay. Dhab ahaantiina guddoomiye Cirro wuu ku jirey xayndaabkii mucaaridka, taas oo u keentay inay Faysal isku dhacaan, uu ka baxo UCID, aasaaso xisbiga WADANI.

Kulmiyena labada guddoomiye xigeen ha yeesho. Cabdicasiis Samaale iyo Baashe Maxamed Faarax ayaa isla goobtii loogu magacaabay. Xulashada labadaa xubnood shirguddoonku waxay ka jawaabaysay sawir beeleedka KULMIYE doonayey inuu muujiyo, beesha Awal oo qayb-libaax ka ahayd iyo beesha hawdka Sool oo la doonayay in sawirka lagu soo daro.

Cidina isma dul taagin su’aal ahayd, “xisbigii UDUB ee ugu xildhibaanada badnaa ma laga qadinayaa shirguddoonka?”

Waxan filayaa waa dhaqan Soomaaliyeed in mar walba la dulmiyo cidda wax kula leh, haseyeeshee markaas ka maqan goobta waxa lagu qaybsanayo. Haddii maslaxadda caamka (heer qaran) laga fekerayo waxay ahayd in shirguddoonka mid la siiyo. Si ay UDUB xanshashaqa hoose ee shirgudonka cod ugu yeeshaan. Laakiin aragti gaaban oo xisbi baa ka adeegaysay.

Waxay taasi i xusuusisay berigii caalamku u samaynayey Soomaaliya dawladdii la magac baxday Transitional National Government (TNG), waxa loo sameeyey golayaal deegaan oo ka kooban 78 xubnood oo la kala siiyey Hargeysa 3, Burco 3, Berbera 2 iyo Cerigaabo 1. Isugeyn 9 xubnood. Awdal iyo Sool iyo Bariga Sanaag iyaga cid baa shirka u joogtay (SDA, USP) 8 xubnood bay soo xasiliyeen. Goboladii Waqooyi oo dhan 17 xubnood. Haddii ay xitaa tixgelin lahaayeen 33kii xubnood ee baarlamaankii 1960 reer waqooyi ku lahaa boqolayd 41%, arrin bay noqon lahayd. Boqoleeyda 78 xubnood waqooyi wuxu yeeshay 33.3%.

Halka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacayo ay isugeyn heleen 22 xubnood. Guud ahaan, Koonfuri qaadatay 52 xubnood oo boqolayda u dhiganta 667%

Sababta ay taasi u dhacday waa Somaliland oo shirka ka maqan ama cid wax-ku-ooli ahi ka joogin. Kolkaa cidina ka fekerimayso, haddii kan maqan aad qadiso, sidee wax kuugu hagaagayaan? Weliba laga yaabo in kan maqani wax horena hibanyo.

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button