Warar

Somaliland Oo Sheegtay In Aanay Khuseyn Qiimeyn Somalia Sameeysay Oo Ay Ku Darsatay Jaamacaddo Ku Yaalla Somaliland

Guddida tacliinta sarre ee Somaliland, ayaa sheegay in aanay waxba ka khusay Jamhuuriyadda Somaliland qiimeynta ay sheegeen in ay sameeyeen Guddida tacliinta ee Somalia.

Somaliland, ayaa si adag uga jawaabtay dhawaaq ka soo yeedhay Guddida Tacliinta sare ee Xukuumadda Muqdisho, kuwaas oo qiimeyn ay ku sameeyeen Jaamacaddaha dalkooda ku soo darsaday qaar ku yaalla Somaliland.

Guddida tacliinta sarre ee Somaliland, ayaa sheegay in aanay waxba ka khusay Jamhuuriyadda Somaliland qiimeynta ay sheegeen in ay sameeyeen Guddida tacliinta ee Somalia.

Guddida tacliinta sarre ee Somaliland oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa, sheegay in aanay jirin jaamacaddo Somaliland ku yaala oo dawladda Soomaaliya ay qiimayn ku samaysay.
Guddoomiyaha Guddida Tacliinta sarre ee Somaliland Saleebaan Dirir, oo ka hadlayey arrintan, waxa uu yidhi: “War kaa waxanu sheegayna in aanu sal iyo raad toona lahayn oo jaamacado ay yimaadena anay jirin wax ay qiimeeyena anay jirin. Kama duwana warkii ay odhan jireen hawada, badda iyo dhulka Somaliland anaga xukuna, Jamacadaha Somaliland koomishanka halkan jooga ayaa xukuma. 5 ta jaamacadood iyo anaguba markaanu eegnay, waa xog meelaha laga urursaday oo anay waxba ka jirin”

Guddida ayaa sheegtay in qiimaynta ay dowlada Soomaaliya sheegtay in ay ku samaysay jamacaddo Somaliland ku yaala aanay waxba ka beddeli doonin jaamacadaha.

Jawaabta guddida tacliinta sarre ee Somaliland ayaa timid kadib markii ay wasaarada waxbarashada ee Soomaaliya, soo bandhigtay jaamacado ay sheegtay in ay ka gudbeen qiimayn ay samaysay oo 5 jamacadood oo Somaliland ku yaala ku jiran.

Jaamacadaha Somaliland ku yaala ee ay dawladda Soomaaliya sheegtay in ay ka gudbeen qiimayn ay samaysay, sidana ay ku aqoonsatay.

Jamacadda Nugaal, Laascaanood, Jaamacada Baddar, Hargaysa, Jaamacada Gollis, Hargaysa, Jaamacada Camuud, Borama, iyo Jaamacada Ello, Borama.

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button