Warar

Dhaqaalaha Iyo Dakhliga Berbera Hadii Si Wanaagsan Loo Maamulo Dagmooyinka Kale Ee Somaliland Ayay Caawin Kartaa

Musharax Maxamed Ibraahim Ismaaciil Dable

Musharax Maxamed Ibraahim  Ismaaciil Dable oo u tartamaya maayirnimada iyo ka mid noqoshaha golaha deegaanka ee degmada berbera ayaa safar indho indhayn  iyo u kuurgalida xaalada  nololeed ee ay ku suganyihiin dadka ku nool xaafadaha magaalada berbera gaar ahaan Sariibada Magaalada, Jamalaaye, Daroole Iyo Waraabe Utaag  Sidoo Kalena Musharuxu Waxa Uu Booqday Degmooyinka Hoos Yimaada Maamulka Bebera Gaar Ahaan Magaalooyinka  Dary Godle, Xamaas, Abdaal Iyo Lafaruug baxay isagoo baahiyaha medableelahaas ka jirana mid mid u soo taabatay balanqaadyo hor leh oo wax ku ool ahna usameeya.

ugu horayn waxa uu booqaday Musharax Maxamed Ibraahim  Ismaaciil Dable Sariibada magaalada berbera isagoo dadka ku ganacsada ka dhagaystay baahiyaha ay qabaan markii danbana bulshadaa la hadlay wax uu yidhi Musharaxu “ Saaka Waxaynu Joognaa Sariibadii Ee Magaalada Berbera runtii waxa halkan ka muuqda waxaan damiirku qaadi karayn jiingadii oo soo gogoday taas oo ku daadanaynsa cuntadii ay dadku cunayeen taas oo waslad waslad yar u soo googo’aysa waa kaa sawirkiina nasiib darro ka wayn oo dhacdayna ma jirto dhawar cisho ka horna waxaynu maqlaynay afar bas baa terminal loo dhisay halkii ka mudnayd ee hooyooyinku joogeen ee masaakiintu joogtay ee laga quudinyay caruurteena, Agoonteena waa taa sidaa u eeg waxaan ku balanqaadayaa inaan mid casri ah ka dhigi doono oo qofwaliba halkiisa qabow, nadaafad iyo biyo ku helo haddii Alle nafta ii daayo oo aan xilka ku guulaysto” ayuu yidhi
Musharax Maxamed Ibraahim  Ismaaciil Dable waxa kale oo uu booqday xafaada janno isagoo la hadlayay tageeryashiisana wax uu yidhi” habeen hore aniga iyo maayirka magaaladu cabdishakuur cindi dood nagu dhexmartay hutel maansoor mar wax laga weydiiyay waxa uga meel yaala ama sababta ay xafaada Janno aanay uhelin xilalka golaha deegaanka sida Agaasimayaasha oo kale jawaabtii uu ka bixyay may ahayn arrin nin weyn oo masuul ahi afkiisa ka soo baxa muu ahayn laakiin waxaan u dhaafaya waxy ka yeelayaan dadweynaha gobolka Saaxil gaar ahaan degmada berbera gaar ahaan xaafada janno dadweynaha ku nool xaalna waan idinka siinaynaa hadaanu nahay dadweynah gobolka Saaxil” Ayuu yidhi.
Musharax Maxamed Ibraahim  Ismaaciil Dable mar uu ka hadlayay dhaqaalaha iyo dakhliga berbera waxa uu yidhi” dhaqaalaha iyo dakhliga berbera hadii si wanaagsan loo maamulo dagmooyinka kale ee Somaliland ayay caawin kartaa oo ay dhaqaale siin kartaa” ayuu yidhi
Musharax Maxamed Ibraahim  Ismaaciil Dable waxa uu sidoo kale balanqaad u sameeyay Shaqaalaha Dawlada Hoose Ee Berbera waxaanu yidhi “ waxaan halkan ka sheegayaa inaan shaqaalaha dawalada hoose ee berbera aan mushaharka u kordhin doono boqolkiiba konton (50%) waxaanaan u samayn doonaa sanduuq qofka laga maalgaliyo marka uu gaboobo, xanuusado ama xalaado kale ku timaado laga
caawiyo oo ka guursada laga caawiyo o okay caruurtiisu waxbarsho u baahantahay laga caawiyo dhamaan shaqaale weynaha dawlada hoose berbera waa ianay helaan waxbarsho lag la,aan ah dadweynah kale ee reer berbera ee danyarta ah waxaan u damaanad qaadaynaa inay aruurtoodu helaan waxbarsho bilaash ah” ayuu Musharax Maxamed Ibraahim  Ismaaciil Dable ku soo gabagabeeyay hadalkiisa

Ugu danbayntii Musharax Maxamed Ibraahim  Ismaaciil Dable waxa uu bookhaday magaalada qadiimiga ah ee abdaal  isgoo ubalanqaaday inuu udhisayo dhakhtar iyo jamacad madaama ay magaaladu istaaraji tahay

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button