Warar

Goob-Joogeyaal Caalami Ah Oo Ku Soo Qulqulaya Dalka, Madaxweynihii Hore Sierra Leone Oo Soo Gaadhay Hargeysa Iyo Komishanka Oo La Kulmay

Kulankn dhex maray Komishanka iyo GoobJoogayaasha Caalamiga ah, ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii Xubnaha Komishanku warbixin uga siin lahaayeen Goob-joogayaasha Caalamiga ah, halka ay marayaan hawlaha u diyaar garowga doorashooyinka Somaliland ee dhici doona isniinta.

Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, oo la filayo in ay Isniinta ka dhacdo doorashada isku sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka, ayaa waxa maalmihii u dambeeyey ku soo qul qulayey goob joogeyaasha caalamiga ah oo kor-joogteyn doona doorashooyinkaasi.

Kulankn dhex maray Komishanka iyo GoobJoogayaasha Caalamiga ah, ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii Xubnaha Komishanku warbixin uga siin lahaayeen Goob-joogayaasha Caalamiga ah, halka ay marayaan hawlaha u diyaar garowga doorashooyinka Somaliland ee dhici doona isniinta.

 

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Eng Cabdirashiid  Maxamuud Cali (Riyo Raac) iyo xubno kale oo kamid ah Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa garoonka diyaaraddaha ee magaaladda Hargeysa kusoo dhoweeyey madaxweynihii hore ee dalka Siralyoon Ernest Bai Koroma oo kamid ah goob joogeyaasha caalamiga ah ee goob jooga ka noqon doona doorashooyinka isku sidkan ee Goleyaasha Degaanka iyo wakiiladda Somaliland.

Guddoomiye Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riya Raac) ayaa goob joogeyaasha dalka soo gaadhey warbixin ka siiyey habka ay doorashooyinka Goleyaasha degaanka iyo Wakiiladda Somaliland ee isku sidkani dalka uga dhacayaan, isaga oo sidoo kalena faah faahin ka siiyey nidaamka qorshe ee ay Guddida doorashooyinka Qaranku doorashooyinkaas u qorsheeyeen.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Eng Cabdirashiid Riyo Raac waxa uu sheegay in goob walba la dhigi doono laba sanduuq doorasho, kuwaas oo loogu kala codayn doono xildhibaanada Golaha Degaanka iyo kuwa golaha Wakiiladda Somaliland, iyada oo goobtiiba loo asteeyey sida uu guddoomiyuhu sheegay ugu badnaan 450 codbixiye.

Tiradda goobaha codbixinta ayuu sheegay Guddoomiye Riyo Raac in ay yihiin 2,709 goobood,iyada oo tiradda murashaxiintuna ay tahay  798 murashax,iyada oo 552 murashax ay u tartami doonaan Goleyaasha Degaanka dalka,halka 246 murashaxna ay u tartami doonaan Golaha Wakiiladda Somaliland.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Eng Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo Raac) waxa uu usoo jeediyey Goob joogeyaasha caalamiga ah ee dalka soo gaadhey in ay dalalkii ay ka yimaadeen iyo bulshadda caalamkaba gaadhsiiyaan waxyaalaha ay ku arki doonaan doorashooyinka Somaliland iyo goobaha ay tegi doonaan,waxaanu tilmaamay in ay indhohooda ku arki doonaan wax wanaagsan iyo doorashooyin ku dhaca hab nabadgelyo ah iyo hab xor iyo xalaal ah.

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button