Warar

“Marka Doorashadan Innaga Dhammaato Waxa Innoo Ballan Ah Doorashada 2022-Ka In Aynu Nidhaa Gurigaa (Madaxtooyada) Shandadahaaga Ka Qaado, Dhulkaas Badan Ee Aad Qaadatayna….” Cabdiqaadir Jirde

Cabdiqaadir Jirde Oo Weeraray Madaxweyne Muuse Biixi

Guddoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in loo baahan tahay in taageerayaasha Xisbiga Waddani ee Axmed Dhagax in ay isu diyaariyaan marka doorashadan isku sidkan dhammaato, sidii ay uga shaqayn lahaayeen in Murrashaxa Madaxweynaha ee Waddani ay u saari lahaayeen Kursiga madaxtinimada ee dalka.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, oo Garoonka Hargeysa Studuim kula hadlayey taageerayaasha Murrashaxiin ka sharaxan Xisbiga Waddani, ayaa ka dhawaajiyey in Madaxweyne Muuse Biixi hantidii dadka Maatada ahi ka nabad geli wayday, waxa uu u qabto mooye, sida uu hadalka u dhigay, waxaanu yidhi “Marka doorashadan innaga dhammaato waxa innoo ballan ah doorashadii madaxtooyada ee 2022-ka in aynu nidhaa gurigaa (Madaxtooyada) shandadahaaga ka qaado wixii  Illaahay ku calfay waa ka qaadatay, dhulkaas badan ee aad qaadatayna, si ay noqon doonto mooyi, ummadii ayaad ku soo hoos noqotay, maatidii ayaa hantidoodii u nabad gelin wayday, waa wax aad u qabatee, waani iska sugaynaa abaalkaas in aad 2022-ka aad tidhaahdaan wixii aad fashayba, fashaye nabad gelyo. Ballana waynu kala qaadanay in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)”

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button