Warar
Shirkadda Dahabshiil Oo Si Weyn Uga Qayb-Qaadatay Olollihii Nadaafadda Caasimadda Hargeysa
Golaha Deegaanka Ee Caasimadda Oo Dahabshiil Ku Ammaanay Doorka Ay Ka Qaateen Hawl Galkii Nadaafadda Caasimadda

Shirkadda Caalamiga ah ee Dahabshiil Group,ayaa si weyn uga qayb-qaadatay olollihii Nadaafadda dooxa weyn ee Magaalada Hargeysa,iyadoo ay shaqaallaha shirkadda iyo gaadiidka Cagaf-cagaf-yadda iyo iska Roggooyinka Dahabshiil ay door weyn ka qateen olollihii lagu nadiifinayey togga weyn ee Caasimadda dalka.
Sacad Muuse Cabdi Madaxa Suuq-geynta Dahabshiil oo isagu ugu horrayn halkaas ka hadlay,ayaa sheegay inay sharraf u tahay shirkadda Dahabshiill inay ka qayb-qaadato olollaha nadiifinta dooxa weyn ee Hargeysa,waxaanu yidh “Shirkad ahaan sharraf weyn ayey noo tahay in aanu ajiib-no baaqii Maayar Cabdikariin iyo ku-xigeenkiisa iyo guud ahaan Golaha Degaanka cusub ee caasimadda Hargeysa, waad ogtihiin shirkadda Dahabshiil mar walba kaalinta koobaad in ay ka qaadato arrimaha Bulshadda, maanta waxaynu iskugu soo bax-nay in aynu ka qayb-qaadano olollaha nadaafadda caasimadda gaar ahaan dooxa weyn ee Hargeysa,maanta sida aad arkaysaan dhammaan qalabkii shirkadda haddii ay tahay Cagaf-yo,haddii ay tahay Iska Roggooyin,haddii ay tahay xoogii shaqaalaha,saaka waa laga faa’iidaystay ujeeddaduna waxa weeye danta guud ee aynu wadda leenahay in aynu hagaajisano.” Ayuu yidhi Sacad Muuse Cabdi.
Geesta Kale, Mareeye ku-xigeenka ahna Madaxa hawl-gelinta shirkadda Dahabshiil Fu’aad Axmed Nuux oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in shirkadda Dahabshiil ay iyadoo gaadiidkeedii iyo agabkeedii iyo shaqallaheedii ay ka qayb-qaadanayso olollaha nadiifinta dooxa weyn ee Hargeysa,waxaanu yidhi “ Sida aad la socotaan Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge waxa uu ku baaqay in laga qayb-qaato olollaha nadaafadda caasimadda ,iyadoo si gaar ah loo nadiifinayo dooxa Hargeysa.”
Isagoo intaas ku sii darray “Haddii aanu nahay shirkadda Dahabshiil sidii horreba aanu caanka ugu ahayn waxa aanu mar walba diyaar u nahay in aanu ka qayb-qaadano arrimaha Bulshada iyo wixii ummadda caafimaadkeeda iyo bilicdeeda iyo horumarkeeda wax ku soo kordhinaya,waxa maanta halkan diyaar ku ah shaqaallihii shirkadda Dahabshiil oo ka qayb-qaadanaya olollaha Maayarka Hargeysa uu ku baaqay ,sida oo kale waxa halkan diyaar ku ah Cagaf-yaddii iyo gaadiidkii shirkaddu ay ugu tallo gashay inay kaga qayb-qaadato hawshaasi, waxaanu marwalba ballan-qaadaynaa in aanu ka qayb-qaadan doonno wax kasta oo horrumar u ah Bulshadda iyo degaanadda aanu ka hawl-galno.”
Mareeye ku-xigeenka ahna Madaxa hawl-gelinta shirkadda Dahabshiil Fu’aad Axmed Nuux ayaa sheegay in shirkadda Dahabshiil ay diraa u tahay mar walba inay ka qayb-qaadato wixii wax tar u ah Bulshadda sidii awalba looga bartay “Runtii iyada oo ay maalin shaqo tahay maanta oo xafiisyaddii furran yihiin oo shaqaallahani shaqo ay ku jiraa,haddana waxa aanu u arragnay mihiim in aanu ka qayb-qaadano arrintan olollaha nadaafadda ee Maayarka cusub uu ku baaqay,taas oo aanu u arragno inay mihiim u tahay Bulshadda,haddii ay tahay bilicda Magaaladda iyo caafimaadkeedaba ,annaguna maddaama ay bulshadu tahay bulshaddayadii waxa lagama maar-maan ah in aanu mar walba ka qayb-galno wixii wax u taraya nolashoodda iyo horumarkoodda.”.
Sidoo kalena Mareeye ku-xigeenka ahna Madaxa hawl-gelinta shirkadda Dahabshiil Fu’aad Axmed Nuux ayaa ballan-qaaday inay shirkadda Dahabshiil ay diyaar u tahay inay mar walba sidan oo kale uga qayb-qaadato hawlaha nadiifinta caasimadda Hargeysa “Shirkadda Dahabshiil iyada oo ka jawaabaysa baaqa Maayarka ,waxa halkan diyaar ku ah shaqaallihii shirkadda Cagaf-yo iyo iska Roggooyin iyo agab kale oo loogu tallogalay in aanu kaga qayb-qaadano olollahaasi,waxa aanu diyaar u nahay oo Maayarkana u ballan-qaadaynaa mar kasta oo la qabanayo arrimo bulshadda u dan ah sida tan maanta oo kale in aanu ka shirkad ahaan gacan ka geysan doonno kana qayb-qaadan doonno .”Mareeye ku-xigeenka shirkadda Dahabshiil Fu’aad Axmed Nuux.
Dhanka kalene Xildhibaan Cabdikariin Garas oo kamid ah Xildhibaanadda Golaha Degaanka Hargeysa ,ayaa shirkadda Dahabshiil ku amaanay sida ay uga qayb-qaadatay olollaha nadiifinta dooxa Hargeysa “Halkan waxa aan ka arkayaa tiimkii shirkadda Dahabshiil oo runtii si qiimo leh oo huffan oo daah furran u soo galay,iyagoo qalabkoodii gaadiidkoodii iyo shaqaallahoodiiba wata,runtii sharraf weyn iyo maamuus ayaanu u haynaa shirkadda Dahabshiil iyo shaqaallaheedda sida ay uga qayb-qateen olollaha nadaafadda caasimadda Hargeysa.”ayuu yidhi Xildhibaan Cabdikariin Garas.
Gunaanadkii Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axme Mooge oo isna halkaas ka haddlay, ayaa boggaadiyey shirkadda Dahabshiil sida ay uga qayb-qaadatay hawlihii nadiifinta Magaalada Hargeysa.