Warar

“Salaadiintii Iyo Dadkii Aqoonyahanka Ahaa Ee Reer Sool Meteli Lahaa Way Ka Maqan Yihiin Somaliland, Kuwa Xilalka Ka Qabtaana…” Guddoomiye Khaliif

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in dadkii meteli lahaa shacabka ku dhaqan gobolka Sool ee isugu jiray Odayaasha dhaqanka iyo Aqoonyahannadu aanay joogin Somaliland, taasi ay ka mid noqon doonto waxyaabaha uu ka shaqayn doono.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo u warramayey Universal Tv, ayaa waxa kale oo uu xusay in loollankii adkaa ee ay Kulmiye iyo Xukuumaddiisu ku doonayeen shir-guddoonka ay ka ahayd in ay ka hor tagaan in Hay’addaha qaranku is dheeli tiraan.

 

“Waxaan is leeyahay Xukuumadda hadda jirtaa, xadkiisii way ka kaxaysay xilalkan shir-guddoonka Barlamaanka, sababta ugu weyn waxa ay ahayd, baan filayaa Xukuumaddu ka hor tagaysay, sidii uu sharcigu ahaa in ay jiraan Hay’addo is dhamaystira oo is dheeli tira.”

 

“Waxa jirta tabashooyin badan oo is dul fuulay, tusaale ahaan haddii aan ku soo qaato odayaasha dhaqanka ee reerku, marka laga reebo hal nin intii kale way ka maqan tahay Somaliland. Marka la eego dadkii aqoonyahanka ahaa way ka maqan yihiin Somaliland. Dadka inta badan Somaliland xilalka ka qabtaana maaha dadkii meteli lahaa deegaankaas iyo dadkaasi

 

 

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button