Warar

Waa Maxay Shaqada U Horreysa Ee Ay Qaban Doonaan Golaha Wakiillada Ee Cusub?

Shir-Guddoonka Cusub Ee Golaha Wakiillada Oo Xilkii La Wareegaya Berri

 

Shir-guddoonka cusub ee golaha Wakiillada ee Somaliland, ayaa la filayaa in ay maanta kala wareegaan xilka golahaasi shir-guddoonkii hore ee golahaasi.

Xaflad kooban oo lagu qaban doono xarunta Golahaas, ayaa shir-guddoonka cusub ee dhawaan la doortay kula wareegi doonaan hawlaha dhinaca maamulka ee ay hore u hayeen Shir-guddoonkii hore ee golahaasi.

Xubnaha loo doortay Shir-guddoonka cusub ee golaha Wakiillada Somaliland oo kala ah Guddoomiyaha Golahaas Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad Siciid Mirre Giirre, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad Cali Xaamud Jibriil, ayaa kala wareegi doono xubnaha Shir-guddoonkii hore, hantida Golahaasi leeyahay, Shaqaalaha ka hawl gala xaruntaas, Xeerarka golaha horyaalla ee u baahan in ay ka shaqeeyaan golaha cusub, qaybo qoraalka qorshaha shanta sanno uu ku shaqaynayo golaha cusub iyo waxyaabo kale.

Dhinaca kale, Golaha cusub ee dhawaan la doortay, ayaa lagu wada in ay dhawaan si rasmi ah u bilaabi doonaan shaqada golahaasi, iyaga oo waxyaabaha horyaalla ee ay qaban doonaan ay ka mid tahay wax ka beddelka xeer-hoosaadka uu ku shaqayn doono golaha cusub iyo dhismaha guddida cusub ee golahaasi yeelan doono.

 

 

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button