Shaqaale sagaal bilood bilaa mushahar ah oo Waddani soo bandhigay
"250 shaqaale ah oo ka hawl gala Cusbitaalada Qaaxada(TB) dhammaan gobollada dalka ayaan qaadan mushahar 9 bilood,

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegay in 250 shaqaale ah oo ka hawl gala cusbitaallada Qaaxada ee Gobollada dalka, ay bilaa mushahar yihiin sagaal bilood.
Xoghayaha Arrimaha bulshada ee Xisbiga Waddani Maxamed Sidiiq Dhamme, oo arrintan ka hadlay, ayaa yidhi “250 shaqaale ah oo ka hawl gala Cusbitaalada Qaaxada(TB) dhammaan gobollada dalka ayaan qaadan mushahar 9 bilood, waxay isugu jiraan dhakhaatiir, kalkaalisooyin, nadiifiyayaal, waashmaanno iyo darawallo, waxay gunnada ka qaadan jireen haayadaha World vision, Unicef iyo Coopi. Wasaaradda Caafimaadka xil weyn ayaa ka saaran shaqaalahaas ka hawl gala kaalinta muhiimka ah.
Waxay ka shaqeeyaan barnaamijyada
1. Ka hortaga iyo daawaynta qaaxada (TB)
2. Ka hortaga iyo daawaynta xanuunka HIV
3. Ka hortaga iyo daawaynta xanuunka duumada
Xoghayaha Arimaha Bulshadda Waddani Maxamed Sidiiq .