Xildhibaanno Sheegay In Aan Illaa Imika la soo Xidhin Suldaan Habaar
Xildhibaanno walaac muujiyey

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in aan illaa hadda qaban oo aan la xidhin Suldaan Saleebaan Habaar oo weerar ku dhaawacay u geystay Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje.
Mudaneyaashan oo warbaahinta la hadlay galabta, ayaa sheegay in tallaabada Xukuumadda iyo laamaha amnigu ku xidhi la’yihiin Suldaanka dhaawacay Xildhibaanka, ay muujinayso in ay raali ka yihiin falkan Xildhibaanka loo geystay.
Xildhibaan Mustafe Axmed Khayreeye oo ka mid ahaa Mudaneyaasha la hadlay saxaafadda, ayaa xusay in falka lagu dhaawacay Xildhibaan Guruuje uu yahay mid loo geystay 82 xildhibaan ee golahaasi.
Xildhibaan Xasan Ogaal oo isna ka hadlay falkan, ayaa sheegay in wax laga xumaado in ay tahay in aan ilaa hadda la soo xidhin Suldaanka falkan geystay.
Xildhibaan Maxamed Abiib, oo isaguna ka dhawaajiyey in ay tallaabadan weerarka Xildhibaan Guruuje muujinayso in la soo weeraray Distuurkii dalka.
Wargeyska Saxansaxo