Warar

Rajo & Rajo Beel Cimilada Aduunka

Rajo & Rajo Beel Cimilada Aduunka, Waxa qoray: eng samaale mo somali

Rajo & Rajo Beel Cimilada Aduunk.

In kasta oo dhammaan ballan qaadyadii ahaa in tallaabo la qaadayo ay jiraan hadana weli dunidu waxay ku socotaa heerarkii ugu halista badnaa ee kulaylka.
Taasi waa qiimayntii ugu dambaysay ee ay samayso Qaramada Midoobay.
Qaramada Midoobay Khubaradeeda aya waxay daraasad ku sameeyeen qorshayaasha cimilada in ka badan 100 dal waxayna ugu danbayntii ku soo gabagabeeyeen darasadoodi in dhammaan dallalkasi cimilada aduunka u wadan jiho qaldan.
Saynisyahannadu waxay dhowaan xaqiijiyeen in si looga fogaado saamaynta xun ee xaaladaha kulul ee ka dhalatay qiiqa kaarboonka in loo baahan yahay in la gooyo ama la yareeyo 45% qiiqa marka la gaaro 2030, balse darasadaha cusub ayaa muujinaya in qiiqaas lagu wado dhanka kale oo ah in uu sare u kaco 16% intaan la gaadhinba 2030.

“Kordhinta 16% waa niyad jab aad u weyn oo u xun noolaha aduunko dhan” sidaas waxa tidhi Patricia Espinos oo ah madaxa wada xaajoodka cimilada aduunka ee Qaramada Midoobay.

Tani Waa digniin culus oo ku saabsan xaallada aduunka dhanka kalena ah digniin soo food saartay shirkii cimilada aduunka ee cop26 oo loo qorsheeyay inuu sanadkan daba yaqadiisa ka furmo magalada Glasgow oo uu socdonana wax ka badan lix toddobaad gudahod ayna ka qayb geli donaan dhammaan dallalka loo yaqaan xubnaha unfccc.

Ujeeddada ugu weyn ee shirkan ayaa ah in la soo wada nooleyo rajooyinka laga qabay xaddida kor u kaca heerkulka adduunka iyadoo laga dhaadhicinayo ummadaha adduunka bal inay yareeyaan qiiqa ay hawada ku sii daayaan jeerkan.
Isla Markana dib loo yara eego xeerarkii heshiiskii Paris ee isbeddelka cimilada adduunka, kaas oo waddammada lagu balamay inay cusboonaysiiyaan qorshayaashooda dhimista kaarboonka shantii sanaba hal mar, Laakiin QM ayaa sheegtay in 191 dal oo heshiiska ka qeyb galay kaliya 113 dal ay ilaa hadda la yimaadeen ballanqaadyo lagu hagaajinaayo cimilada aduunka halka dalalkii kalena hareer marreen ballanki.

Alok Sharma oo ah wasiirka shir guddoomin doona shirka COP26 ayaa yidhi “ummadaha leh qorshayaasha cimilada ee runta ah in ay durba leexiyeen qalooca qiiqa oo ay yareyeen” isaga oo inta sii raciyey “Laakiin iyada oo aan weli tallaabo laga qaadin wadamada xad gudbay gaar ahaan kuwa ugu dhaqaalaha badan adduunka waxay go’amadena ka dhigayaan inay noqdaan mar kasta hal bacaad lagu lisay.”

Daraasad uu sameeyay ururka Action Tracker ayaa lagu ogaaday in kooxda G20 waddammada warshadaha hoggaamiya in uk iyo mareykanka ay xoojiyen bartilmaameedyadooda cimilada si loo yareeyo qiiqa, balse dallalkii kale anay waxba ka qaban cimilada adduunka.

Falanqayn kale oo uu sameyey Machadka Kheyraadka Adduunka iyo Falanqaynta Cimilada ayaa Iyana iftiiminaysa in dallalka chinaha, Hindiya, Sacuudi Carabiya iyo Turkigu mas’uul ka yihiin 33% korodhka qiiqa aduunka ayna weli soo gudbin qorshayaal wax lagaga qabanaayo qiiqaas.
Waxayna daraasaddu ogaatay sidoo kale in dallalka Brazil, Mexico, Russia dhammaantood u ciil qabbaan in ay qiiqa sii kordhayaan halkii ay hoos u dhigi lahaayeen.
Dhan kale Waddamada saboolka ah ayaa aad ugu nugul herarka badda oo sii kordhaya iyo kulaylka,abaaraha waxayna donayan in la yareyo qiiqa gaaska aduunka si ay dhibtaa uga baxaan.

sonam p wangdi oo madax ka ah kooxda dalalka ugu horumarsan aduunka ayaa tiri: “Dalalka G20 waa inay hormuud ka noqdaan yaraynta qiiqa si loo yareeyo isbedelka cimilada Wayo Kuwani waa waddammada leh awoodda iyo mas’uuliyadda ugu weyn aduunka waana waqti aad u wanaagsan hada inay kor u qadan wactigooda oo ulla dhaqmaan dhibaatadan sidii dhibaato wayn oo kale. ”
ugu danbayntii Waxaa jira hada rajo ah in Shiinuhu u dib u eegiis wayn ku samayn doono qorshayaashiisa cimilada aduunka ka hor shirka Glasgow taasna waxan cadayn uga dhigi karaa hadalkii uu madax wayne Xi Jinping uu ka hor jeediyey bishanka golaha guud ee qaramada midoobay hadalkaas oo aduunka oo dhan farxad geliyey Maaddaama uu chinuhu yahay kan ugu weyn ee sii daaya qiiqa ama qaaca cimiladi aduunka haleyey hada.

Waxa qoray: eng samaale mo somali

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button