Warar

Warbixinta Kalfadhigii Saddexaad ee Golaha Deegaanka Gabiley

Xildhibaannada Golaha Deegaanka Gebilay oo soo bandhigay Mad-madow jira

Warbixinta Kalfadhigii Saddexaad ee Golaha Deegaanka Gabiley.

Inta badan Xildhibaanada Aqlabiyada Golaha Deegaanka Gabiley ayaa Maanta mar ay shir-jaraa’id ku qabteen Hudheel Galoolay ayaa Waxay kaga Warbixiyeen Kalfadhigoodii Saddexaad oo Maalmahan uga Socday Xarunta Dawlada Hoose Ee Gabiley ayaa Sheegay inuu jiro Musuqmaasuq, Gafaf Sharci oo iskugu jira kuwo dhaqaale iyo Kuwo Maamul kuwaas oo sida ay Tilmaameen uu ku kacay Maayarka Magaalada Gabiley. Waxaanay sheegeen Inay Hanti-dhowrka Qaranka, Gudida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Iyo Madaxwaynahaba ay gaadhsiin doonaan Sida ay Wax u jiraan.

Xildhibaan Sheekh Cali ayaa sidan Yidhi; “Waxaan Bulshadayada la wadaageynaa madmadow aanu aragnay iyo waxaan bulshada u cuntamin, hadaba waxaan waxoogaa yara taaban doonaa Hantida Ummadda Muslimiinta ah oo la cuno waxa ay Diintu ka Qabto, ILaahay baa subxaana watacaalaa inaga Xarimay waciid aad u adagna waa ku soo aroorey siduu ILaahay inooga Waramey”. Waxaanu Xildhibaanku halkaas ka akhriyay Aayad Quraana oo Macnaheedu yahay “Kuwii Iimaanka lahaayow Xoolihiina baadil haku kala cunina oo haku kala qaadanina dhuljiif iyo Boob, Ilaa Ganacsi iyo Wax is dhaafsi aad Raali Iskaga Tihiin Mooyaane”, hadaba walaalayaal Hantida Qof laga cuno iyo Ummad faro badan way kala adag tahay oo way kala daran tahay oo ta bulsho dhan laga cuno waciid dhan ayaa ku soo aroorey”. Xildhibaan Sheekh Cali ayaa sidaas hadalkiisa ku soo xidhay.

Waxaana intaa ka dib hadalka qaatay Xildhibaan; Axmed-weli waxaanu yidhi; “Hadaanu nahay Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee la soo doortay Ummad jilicsan, Masaakiin ah oo duruufo kala duwan ku nool ayaanu Wakiil ka nahay, kuwaas baan Kitaabka Quraanka Gacanta u saarnay inaanu waxooga ilaalino, Shaqsi weerar cidna kuma ihin cidna Duulimaad kuma ihin waxaan fulinaynaa dhaartayadii aanu dhaaranay anagoo dabaqayna Dastuurka Qaranka, waxaa meesha taala in Hanti badan oo degmadani leedahay iyo dhaqaale badan oo lagu qaban lahaa waxqabad in hore loo Isticmaalay oo Hanti badan oo hore looga hadlay ay Degmada ka maqan tahay, waxyaabaha ugu muhiimsan waxaa ka mida Mushaharka Shaqaalaha aan joogtada ahayn iyo Waxyaabo la halmaala oo Todobadii bilood ee Sannadka ugu horeeyay ku dhamaaday, waxaanu ognahay duruufaha ay Shaqaalahayagu ku Nool Yihiin Dadkii na soo doortay bay ku jiraan, waanu u damqanaynaa Masuuliyad baana naga saaran”. Xildhibaanku Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas kusii daray ” Xisaabtan ayaan dalbanay si Golahan loogu soo gudbiyo Shaqaalaha joogtada ah liiskooda si loo ogaado oo loo Eego inta ku baxday si loo ogaado inay Xisaabtaasi is dabaqdo iyo in kale anaga Gudida joogtada hore ayuu noogu soo gudbiyey Shaqaalaha aan Joogtada ahayn, kuwase aan dalbanay waa inuu noo soo gudbiyo kuwa joogtada ah, halkaa markay marayso Gudoomiyahayagu Shirkii wuu Xidhay Golahana wuu ka Cararay, Waxaanu noo Sheegay in hada wixii ka danbeeya xagaa iyo badhasaabka la iskula kici doono, waxa weeyaan anagu Shaqaan u Imid Ummad baa na dooratey waxaanu Gudanaynaa waa Waajibaadkayagii Sharciga ahaa ee inaan Ummadayadan iyo Dadkayagan Degmadan iyo Deegaanadan aan Hantidooda u ilaalino u Weelayno Horumarkana u galino, waxa kale oo Meesha taala in Mashaariic badan oo ay ahayd in 2021 ay fulaan ay Xisaab Xidhka ka maqan yihiin oo sidii ay ahayd aanay u fulin, Waxa kale oo jirta Madax xisaabeedyo loo raray madax xisaabeed kale oo la kala bedelay oo lacago dusha inta looga qaaday qaar kalena loo geeyay oo Madmadow badani meesha yaalo waxaan Madaxwaynaha u sheegaynaa inaan fulinayno balan qaad kiisii ahaa in Musuq maasuqa Zero laga dhigo, Siyaasada Madaxwaynaha kuma jirto in Musuqmaasuq lagu kaco iyo in Maamul xumo dhacdo iyo Wax Isadaba marin, Waxaan Diyaar u nahay inaan la Xisaabtano Maamulkayaga Waxaan Diyaar u nahay cid kasta oo arrinkan ka garnaqaysa inaan u soo bandhigno Hordhignona Cadaymaha aan Hayno”.

Waxa kale oo Isaguna halkaa ka hadlay Xildhibaan;Cabdirashiid Haybe Faarax waxaanu yidhi; “Golahani wuxuu ku Aasaasan yahay Xeer 23_2019 kaas ayaana lagu dhaqaa Golahan, waajibaana naga saaran inaan ku Xakamayno gudida fulinta inay ku Ekaadaan Xayn daabka Sharci ee uu Jideeyay Sharcigaasi, hadana Waxaa Muuqata qodobo dhaqaale leh, Maamul leh intuba ay jabeen waxaanan ka soo saari doonaa War rasmiya Waxaanan la wadaagi Doonnaa Cida ay khusayso”. Waxaa Hadalkiisii Sidaas ku soo Xidhay Xildhibaan Xabdirashiid Haybe Faarax.

Dhanka Gudoomiyaha ayaanay jirin Wax Jawaaba oo ka soo baxday Mar aan Telefanka Gacanta Kula hadal Is idhina Iima Suurta galin Isagoo Mashquul Sheegayay.

Weriye, Naasir Meecaad, ayaa diyaariyey warbixintan

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button