Warar

Saddex arrimood oo ka dhalan kara Dagaal Ruushku ku qaado Ukraine

Saddex arrimood oo ka dhalan kara Dagaal Ruushku ku qaado Ukraine

Ukraine waa dal dhaca Bariga qaaradda Yurub. Waxaa haatan ka taagan dhiillo colaadeed, oo xoog badan, taasoo kala dhaxeysa dalka Ruushka 🇷🇺. Labada dal waa daris, dhaqan iyo taariikh wadaaga. Mooskoow waxa ay ka caraysantahay tillaabada Ukraine ee ah ku biiritaanka gaashaanbuurta NATO ee Maraykanku hoggaamiyo.

Waxaa suuragal ah Ruushku inuu tillaabo ciidan ka qaado Ukraine, taasoo sababi doonta dagaal lagu hoobto. Ruushku waa dalka ugu awoodda badan Yurub ciidan, dad iyo dhul ahaanba. Sidaas darteed, si fudud ayuu awoodda Ukraine ku wiiqi karaa. Reer Galbeedku Ukraine taageero toos ah ma siin doonaan. Kaliya cambaareyn iyo cunnoqabateyn ayuu warkoodu ku ekaan doonaa, taasoo macnaheedu tahay: “Ukraine Alle ha u naxariisto!”

Dagaal dhexmara Ruush iyo Ukraine saddex arrimood ayaa ka dhalan karta:

1. Shidaalka Ruushka ee Yurub aada, oo ay colaaddu saameyso kadibna joogsada. Dalalka Yurub, oo haatan ku jirta xilliga qaboobaha, badankoodu waxay wajahi doonaan qalalaaso iyo sicir barar shidaalka dabiiciga. Arrintani waxay sidoo kale dhaawac culus u geysan doontaa dhaqaalaha Ruushka;

2. Dagaalku waxa uu sii dedejinayaa hoos u dhaca hoggaanka iyo sumcadda Marayanka ee caalamka waxayna hoos u dhigi doontaa saameynta Washington ee dunida. Dalal badan, oo markii hore Maraykan iyo Reer Galbeed xulufo la ahaa, waxay isku deyi doonaan inay dhabbahaas ka bayraan, oo ay beddelaan siyaasadahooda amni iyo arrimo dibadeed. Dalalkaan, oo aan NATO ka tirsaneyn, waxay Maraykan iyo Reer Galbeed markii hore ula saaxiibeen inay ambigooda ku ilaashadaan ama taageero dhaqaale ka helaan. Balse fikirkaas qeyb kamid ah waxaa horay u bedelay Shiinaha, oo awood dhaqaale xad-dhaaf ah yeeshay 20kii sano ee lasoo dhaafay, taageero dhaqaalena ku harqiyay dunida soo koraysa. Haatanna, duullaanka Ruushka iyo ficil la’aanta Reer Galbeedku waxay bedeli doontaa fikirkii amniga ee Reer Galbeed laga raadinayay. Si kale u dhig, dalalkani waxay fahmi doonaan xikmadda oraneysa: “Wanka gowrac, laxdu haku quusatee.”

3. Tan ugu weyn ayaa ah saameynta colaaddu ku yeelan doonto qiimaha cuntada adduunka, gaar ahaan burka iyo qamadiga. Ukraine waxay kamid tahay dalalka burka iyo qamadiga ugu badan dunida u dhoofiya, gaar ahaan dalalka Bariga Dhexe iyo Afrika. Arrintani waxay cirka ku shareeri doontaa qiimaha cuntooyinka quutul daruuriga ah. Waxay saameyn xun ku yeelan doonta waddamo badan, oo Afrikaan ah kuwaasoo ay haatan ka taagantahay cunto yari iyo abaaro. Waxay horseedi doontaa macluul iyo dalalkaas qaarkood oo qalalaaso amni iyo siyaasadeed wajaha.

Soomaaliya waxay kamid dalalka dagaalku saameynta daran ku yeelan doono. Qeybo kamid ah burka iyo sarreenta/qamadiga dalkeenna laga quuto waxay ka yimaadaan Ukraine ayagoo inoo soo mara dalal kale, sida Masar 🇪🇬 iyo Hindiya 🇮🇳. Dagaalku, sidoo kale, waxa uu dhib u geysan doonaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Ukraine ku nool. Dalkaas waxaa waxbarasho u jooga arday Soomaaliyeed, oo fara badan. Waxa uu caan ku yahay barashada cilmiga caafimaadka halkaasoo sanad walba arday Soomaaliyeed aadaan.

#UkraineCrisis #RussiaUkraine #Africa #middleeast #geopolitics #Somalia

Waxa qoray, Abdinor Dahir

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button