Farriin wacyi-gelineed oo ku socota Xoolo-dhaqata reer Somaliland
Farriin wacyi-gelineed oo ku socota Xoolo-dhaqata reer Somaliland

Farriin wacyi-gelineed oo ku socota Xoolo-dhaqata reer Somaliland
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka ka bilowday Hawl-gal Caafimaad oo Daaweyn iyo Nafaqeyn loogu samaynayo Xoolaha kala duwan ee dalka.
Hawl-galka Caafimaad oo tallaal lagu siinayo in ka badan 5 Milyan Neef oo Xoolo ah, kana faa’idaysanayaan 75 Kun oo Qoys, ayaa muddo 45 Maalmood ah ka soconaya guud ahaan gobollada dalka oo bilaabmay 21ka February 2022, socon doonana illaa 5ta bisha April 2022, iyadoo ay si hagar-la’aan ah tallaalka u fulinayaan dhakhaatiirta iyo Hawl-wadeennada Caafimaadka Xoolaha ee Waasaradda.
Haddaba, Muwaadiniinta Xoolo-dhaqatada ah ee Somaliland, waxa lagu war-gelinayaa inay ka faa’idaystaan fursaddan muhiim ah ee ay Guryahooda ugu geysay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysigu si aad Xoolihiina uga daweysaan Xannuunada dagal-jiifka ah sida Caalka, Xannuunada Shilintu keento iyo kuwa wakhiyada qaar dillaaca.
Barnaamijkan Caafimaad waxa Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ka taageeraya Hay’adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FOA oo kaashanaysa hay’adda gargaarka dibadda u qaabilsan Maraykanka ee USAID iyo Sanduuqa Horumarinta ee Dowladda Qatar.