Warar

Siyaasigii u horreeyey ee ka soo Jeeda Beesha Madaxweynaha Oo Isu Diyaarinaya Inuu Ku Dhawaaqo Urur-siyaasaddeed iyo kulamo uu Hargeysa ka wado

Aqoonyahan Cismaan Maxamed Badmaax oo ka mid ah Aqoonyahanka iyo Haldoorka Somaliland ee daneenaya furista ururada siyasaadda, ayaa maalmihii u dambeeyey ka waday Magaalada Hargeysa kulamo uu ugu gogol xaadhayo inuu ku dhawaaqo Urur-siyaasaddeed

Siyaasigii u horreeyey ee ka soo Jeeda Madaxweynaha Oo Isu Diyaarinaya Inuu Ku Dhawaaqo Urur-siyaasaddeed iyo kulamo uu Hargeysa ka wado

 

Aqoonyahan Cismaan Maxamed Badmaax oo ka mid ah Aqoonyahanka iyo Haldoorka Somaliland ee daneenaya furista ururada siyasaadda, ayaa maalmihii u dambeeyey ka waday Magaalada Hargeysa kulamo uu ugu gogol xaadhayo inuu ku dhawaaqo Urur-siyaasaddeed ka mid noqda Ururrada siyaasadda ee Somaliland.

Aqoonyahan Cismaan Maxamed Badmaax, ayaa kulamo gooni gooni ah la yeelanayey qaybaha kala duwan ee Bulshada Deegaankiisa, isaga oo kala hadlayey damaciisa u uku doonayo inuu furto Urur-siyaasaddeed.

Masuuliyiinta Deegaankiisa ee uu la kulmay Aqoonyahan Badmaax, waxa ka mid ahaa Xildhibaan Axmed Dayib Ku Cadeeye oo ah Xildhibaanka deegankiisa ku matela golaha wakiilada shirka oo qaatay muddo saacado ah ayaa waxay si midaysan u taageeren furista ururada siyaasadeeda cusub.

Aqoonyahan Badmaax oo hore u soo noqday Mareeyihii Maalgashiga Somaliland, sidoo kalena muddo dheer ka soo shaqenayay shirkadaha Shidaalka dalalka Khaliijka Carabta oo bartay shuruucda caalamiga ah iyo dhaqaalaha ayaa ka mid ah Aqoonyahanka Reer Somaliland ee damacu kaga jiro hanashada hoogaminta dalka.

Aqoonyahan Badmaax, ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda soo bandhigo damaciisa la xidhiidha Urur-siyaasaddeed uu doonayo inuu samayso.

 

Aqoonyahan Cismaan Maxamed Badmaax, ayaa noqonaya masuulkii u horreeyey ee ka soo jeeda Deegaanka Madaxweynaha ee si toos ah u bilaaba dhaqdhaqaaq uu ku doonayo inuu ku furo urur-siyaasaddeed.

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button