Warar
Ruushka Oo Ugu Baaqay Ukraine In Ay Hubka Dhigto
Wasiirka Arrimaha Dibedda Ee Ruushka Oo Sheegay in aanay aqbalayn in Naasiyiin cusubi Ukraine Xukumaan

Ruushka, ayaa sheegay in ay diyaar u noqon doonaan wada hadal la xidhiidha arrinta Ukraine, marka ay hubka dhigto Ukraine.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Russia Sergey Lavrov, ayaa sheegay in ay ogol yihiin madax bannaanida iyo xoriyadda reer Ukraine, balse aanay marnaba aqbalay in Ukraine oo ah jaarkooda ay xukumaan Naasiyiin cusubi oo la mid ah kii Jarmalka