Warar

Waa maxay Sababta Ay Ugu Dhiiran la’yihiin Dalalka Reer Galbeedku In ay Ruushka Ka Saaraan Hannaanka Maaliyaddeed ee SWIFT

Bangiga dhexe ee Biljamku wuxu maamulaa hannaan war-isdhaafsi oo ay ku mideysan yihiin 11 kun oo bangi iyo hay’ado maaliyadeed, hannaankaasi oo loogu yeedho SWIFT isagu ma aha bangi, balse waa habka ay bangiyadu isu wargeliyaan marka ay lacagaha isu dirayaan, (message system) taas oo dal kastii leeyahay xarfo u gaar ah (Swift code)

Bangiga dhexe ee Biljamku wuxu maamulaa hannaan war-isdhaafsi oo ay ku mideysan yihiin 11 kun oo bangi iyo hay’ado maaliyadeed, hannaankaasi oo loogu yeedho SWIFT isagu ma aha bangi, balse waa habka ay bangiyadu isu wargeliyaan marka ay lacagaha isu dirayaan, (message system) taas oo dal kastii leeyahay xarfo u gaar ah (Swift code).

Bangiga dhexe ee Biljamku wuxu soo shegay in maalintii la isku dhaafsado 42 milyan oo fariimood. Sannadkii 2021 warbixin uu soo saaray Bangiga Biljamku wuxu sheegay in lacagta trillionska ah ee la isku dhaafsado Ruushku wuxu ka yahay. 1.5%

Muddaadii dagaalka Ruushka iyo Yukrayn soo socdey, dawladaha Reer Galbeedku waxay ka fikirayeen cunaqabatayn iyo cadaadis dhaqaale, oo ay ku xakameeyaan Ruushka; waxayna ku soo dareen in Ruushka laga tuuro hannaankaa SWIFT.

Sannadkii 2014 markii uu Ruushku qabsaday Crimea ayaa arrinka la isla soo qaaday, balse la islama fahmin, haddana waxay u egtahay in sidaas oo kale lagu kala duwan yahay

• Waddanka Iran oo hore looga saaray waxay dhaawac u geysatey dhaqaalihiisa iyada oo uu dalkaasi waayey 30% faaiidadii iibka shidaalkiisa.

• Warbixinaha qaar baa sheegeya in ay sababi karto 5% hoos u dhac ku yimaadda GDPga Ruushka, balse, dhibtu isaga oo keliya kuma koobnaan doonto sababtoo ah wuxu ku milan yahay dhaqaalaha Galbeedka, gaar ahaan Jarmalka igo Mareekanka, hase yeeshee wuxu waayadanba ka shaqaynayey hannaan uu uga badbaadi karo dhaqaalihiisa oo duma haddii laga saaro SWIFT.
• Madaxweynihii hore ee Ruushka Medvedev wuxu waagii Crimea yidhi haddii, haddii Ruushka SWIFT laga saaro waa “declaration of war”

• Waddamada wada maamulaa waxay u baahan yihiin in ay isku raacaan in Ruushka laga tuuro SWIFT, waxay u muuqataa in aad loogu kala duwan yahay, Mareekan Jarmal, Talyaani iyo Madaxweynaha Midowga Yurub baa leh yaan laga tuurin, MMY wuxu yidhi, “dalku dagaal markuu ku jiro wax kasta oo lagu samayn karo laguma sameeyo ee waxa la furaa albaab wadahadalka laga bilaabi karo”

• Waddamada diiddani waxay isugu jiraan kuwo arrinku inuu ka sii daro ka baqayey iyo kuwo ay laftigooda dhibaato dhaqaale ka soo gaadheyso

• Raysalwasaaraha UK waxa uu hormuud ka yahay dalalka leh Ruushka waa in SWIFT degdeg looga tuuraa.

• Ugu danbeyn, in kastoo ay jiraan habab kale oo aan kuwo la isku hallayn karo ahayn, haddana waxa dhab ah in haddii Ruushka laga saaro SWIFT ay dhaqaaalihiisa waqtiga dhow iyo kan dheerba dhibaato weyn u geysan doonto.

Waxa qoray Cabdirashiid Jeeni

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button