Wararkii U Dambeeyey ee Dagaallada Ukraine Oo Gaadhay Caasimadda Dalkaasi iyo Ciidamada Ruushka Oo Isku Dayeyna In Ay La Wareegaan Magaaladaas
Qaybo Caasimadda Ka mid ah ayuu Ruushku Duqayn ka fuliyey

Ciidamada Ruushka iyo Ukraine ayaa dagaallo qadhaadh ay maanta ku dhex-marayaan caasimadda Ukraine ee Kyiv, ayada oo mas’uuliyiinta ay ugu baaqeen shacabka inay magaalada ka difaacaan ciidamada Ruushka.
Hase yeeshee, inkasta oo dagaalka uu sii xoogeysanayo, haddana saraakiisha dowladaha Ukraine iyo Ruushka ayaa tusmeeyey inay diyaar u yihiin wada-hadallo, taasi oo muujisay rajadii ugu horeysay tan iyo markii uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ku dhowaaqay duulaanka Khamiistii.
Gantaallo iyo rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa bartamaha magaalada Kyiv, ayada oo militariga Ukraine ay sheegeen in ciidamada Ruushka ay soo weerareen saldhig ku yaalla waddada weyn, balse ay iska caabiyeen.
Rasaasta ayaa sidoo kale aroortii laga maqlayey meelo u dhow dhismayaasha dowladda ee bartamaha magaalada, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.
“Aayaha Ukriane hadda ayaa la go’aansanayaa,” waxaa sidaas khudbad uu xalay soo duubay ku yiri madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.
Taliska ciidamada cirka Ukraine ayaa dagaal xooggan kasoo weriyey meel u dhow saldhigga ciidamada cirka ee Vasylkiv oo ku yaalla koonfurta galbeed ee caasimadda, halkaasi oo ay sheegeen inay soo weerareen ciidamada Ruushka.