Warar

Ruushka Oo Qirtay In 500 Oo Askari Kaga Dhinteen Dagaalka Ukraine

Goor sii horreysay wasiirka arrimaha dibedda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in ay ka go’an tahay Mosco in hub ka dhigis ay ku samayso Ukraine, isla markaana ay jiri doonaan liis noocyada hubka ee dalkaasi la keeno karo.

WARARKII UGU DAMBEEYEY DAGAALKA UKRAINE

➡️ Ruushka ayaa markii ugu horreysay shaaciyey tirada askarta lagaga dilay dagaalka Ukraine uu ku qaaday Khamiistii hore, wasaaradda Difaaca Raashiya waxay sheegtay in 496 askari kaga dhintay hawgalka, isla markaana ay ka dhaawacmeen 1,500 oo kale, tiradan si madaxbannaan looma xaqiijin waxaana loo badinayaa in ay ka badan tahay inta Mosco qiratay.

Tiradan uu qirtay Ruushku inkastoo ay ka yar tahay inta Ukraine sheegatay inay dishay iyo inta la qiyaasi karo haddana waxay calaamad u tahay in Ruushku uu dagaalka kala kulamay khasaare baaxad leh.

➡️ Ciidamadii xoogganaa ee ku sii jeeday magaalada caasimada ah ee Kyiv ayaa hakad galay, lama oga ujeeddada ka dambeysay, ha yeeshee sirdoonka reer Galbeedka ayaa sheegaya in ay taasi ugu wacan tahay sahayda oo ciidamada ka go’aday, ciidamada oo dagaalka aan raali ka aheyn iyo ciidamada Ukraine oo jidgooyooyin culus dhigay afaafka Kyiv.

➡️ Laakiin ilo wareed ka madaxbannaan dhinacyada is haya ayaa sheegaya in sababta ciidankan balaaran u hakadeen ay tahay iyagoo ka warsugaya dagaalka ka socda Kharson iyo Mariupol ee Koonfurta Bari.

➡️ Dhanka waqooyi-bari magaalada Kharkiv ayaa dagaal ba’an ka socdaa shan iyo saac oo xiriir ah, iydoo ciidamada Ruushku sheeganayaan inay qabsadeen magaaladaasi, balse saraakiisha Ukraine aya beeniyey taasi.

➡️ Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo yeeshay fadhigii ugu horreeyey oo deg deg ah tan iyo 1997-dii, waxaa cod aqlibayad leh loogu codeeyey cambaareyn Ruushka lagu cambaareeyey duullaanka u uku qaaday Ukraine, waxaana loogu baaqay in ciidankiisa kala baxo dalkaasi.

➡️ Qaraarka waxaa u codeeyey 141 wadan waxaa ka mid ah Soomaaliya dalalka u codeeyey, shan wadan oo kaliya oo kala ah Ruushka, Kuuriyada Waqooyi, Suuriya, Eritrea iyo Belarus ayaa diidday codeynta, waxaa ka aamusay 35 wadan oo Shiinuhu ka mid yaahy.

➡️ Wadahadalada u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine ayaa la filayaa inay dib u bilowdaan, sidaasi waxaa sheegay Ruushka.

➡️ Mustafa Maxamed ah oo wiil Soomaali oo 10 sano ku noolaa magaalada Vinnytsia ee dalka Ukraine oo ka baxsaday halkaasi ka dib markii duqeymo lagu garaacay ayaa warbaahinta u sheegay in uu u qaxay Poland, wuxuu ka sheekeeyey dhibaatadii uu soo maray gaar ahaan qabowga daran ee ka dhacaya aagaasi, wuxuu sheegay in dhirkoodii ay gubeen si ay uga helaan diirimaad.

➡️ Wadanka Georgia – oo horey uga mid ahaa midowgii Soofiyeeti ayaa manta ku dhawaaqay inuu dalban doono xubinimada Midowga Yurub, sidaasi waxaa sheegay xisbiga talada haya ee Georgian Dream.Tani waxay imaa aysaa iyadoo Baarlamamka Midowga Yurub uu taageeray dalabka Ukraine ee ah in Midowga Yurub ay ka mid noqdaan.

➡️ Georgia waxaa maalmahan ka oognaa dibadbaxyo ka dhan weerarka Ruushka ee Ukraine.

➡️ Ruushku wuxuu maamulayay labada gobol ee South Ossetia iyo Abkhazia – tan iyo 2008, markaas oo ciidamada Ruushku ay deegaanadaasi ka saareen ciidamada Georgia.

➡️ Wafdiga Ukraine uga qayb galaya wadahalada ka dhacaya Belarus ayaa iminka oo aynu warbixinta qorayno waxay ka baxeen Kyiv, Ruushku wuxuu balanqaaday amnigooda.

➡️ Goor sii horreysay wasiirka arrimaha dibedda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in ay ka go’an tahay Mosco in hub ka dhigis ay ku samayso Ukraine, isla markaana ay jiri doonaan liis noocyada hubka ee dalkaasi la keeno karo.

➡️ Raashiya waxay sheegatay in ay dishay in ka badan 2,870 askarta Ukraine, waxay kaloo sheegteen in ay dhaawac gaysteen 3,700, Kyiv wali ma sheegin khasaaraha ciidan ee soo gaaray, waxaan kaloo si madaxbannaan loo xaqiijin Karin sheegashada Ruushka.

Xogtan, waxa soo ururiyey Weriye Mowliid Xaaji Cabdi

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button