Warar
Shirkadda Dahabshiil Oil Oo Dalka Keentay Shiidaal Jaban, Farriinna u Dirtay Ganacsatada dalka iyo Kaalmaha Shidaalka
Shirkadda Dahabshiil Oil Oo Dalka Keentay Shiidaal Jaban, Farriinna u Dirtay Ganacsatada dalka iyo Kaalmaha Shidaalka

Shirkadda Dahabshiil Group, gaar ahaan qaybteeda Dahabshiil Oil, ayaa sheegtay in ay keentay Shidaal jaban waddanka, taas oo wakhtigan duruufaha kala duwani ka jiraan dalka wax ka tari doonta.
Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen Ganacsatada kale ee dalka iyo kaalmaha iibiya shidaalka in ay dadka u jebiyaan, maadaama xaalad adag lagu jiro.