Warar

“Badhasaabka Saaxil, Dumarkii ayuu Katiinado ku xidh xidhay, markii dambena waxay yidhaahdeen..”

Maamulka Gobolka Saaxil, ayaa lagu eedeeyey in ay dhibaatooyin u geysteen haweenka deegaanka loo yaqaano Bah-doon oo ku yaala Bariga Gobolka Saaxil, gaar ahaan hoos taga degmada Xagal.

“Badhasaabka Saaxil, Dumarkii ayuu Katiinado ku xidh xidhay, markii dambena waxay yidhaahdeen waxa laga furo lama hayo, markii dambe Berbera oo lixdan KM u jirta ayaa lala hadlay oo la yidhi wixii lagaga furi lahaa la kaalaya” Waxgaradka Deegaanka Bah-doon

Maamulka Gobolka Saaxil, ayaa lagu eedeeyey in ay dhibaatooyin u geysteen haweenka deegaanka loo yaqaano Bah-doon oo ku yaala Bariga Gobolka Saaxil, gaar ahaan hoos taga degmada Xagal.

Waxgaradka iyo Cuqaasha Deegaanka Bah-doon, ayaa ku eedeeyey Badhasaabka Gobolka Saaxil in uu dadka deegaankaasi ula dhaqmay qaab masuuliyad darro ah oo uu Dumar deegaanka ah Katiinadonku jebiyey la waayey cid ka furta, taas oo keentay dhibaato iyo dhaawac ka soo gaadho haweenkaasi.

“Badhasaabka Saaxil, Dumarkii ayuu Katiinado ku xidh xidhay, oo ku jebiyeen, markii dambena waxay yidhaahdeen waxa laga furo lama hayo, markii dambe Berbera oo lixdan KM u jirta ayaa lala hadlay oo la yidhi wixii lagaga furi lahaa la kaalaya, iyaga oo dumarkii liita ayaa la yidhi saabtuunta adag ayaa ka debcinaysa ee geliya faqashtii mooyaane wax sidaasi yeela maanu arag.”

Waxgaradka deegaanka ayaa sheegay in deegaanadooda ay deganaayeen muddada dheer la doonayo in muran la geliyo oo dad aan deegaan ahayn la dejiyo, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Maamulka Gobolka Saaxil ayaan ka hadal arrintan lagu eedeeyey.

Saxansaxo

Kala soco Wargeyska Saxansaxo Warar Hufan, Dhexdhexaad oo lagu kalsoonyahay

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Back to top button